Quantcast
Channel: SHEEKO – Wararka Maanta
Viewing all 70 articles
Browse latest View live

QEYBTA 5aad ee Sheekadii Waali iyo walbahaar Jaceyl.

$
0
0

IIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIOK

Wuxuu Wakhtiga is-guraba waxaa la gaaray Arooskii Nimco iyo Daahir, halkaasoo nikaaxii iyo aqalgeyntiiba laga dhigay hal mar.

Saacid waxa dhacaayo waa ka dar alle wuxuuna ku mashquulsanaa bacda uu habeenkii balan jiro horay u soo buuxin jiray, Nimcana waxay ku dekeyneysaa guri weyn iyo weliba gaari cad.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa kulmay Foos iyo Saacid, salaan diiran kadib waxaa uu weydiiyay Akhbaarta Nimco, aamus yar kadib waxay u sheegtay in ay tahay Marwo uu nin guursaday, ninkaas oo la yiraahdo Daahir, intaa markii ay tiri ayuu is-celin waayay wuxuun ku dhacay dhulka, Foos waxaa kasoo haray yaab, Taksi ayey u yeertay iyadoo niyada iska laheyd maxaa ugu sheegtay Saacid hadalka uu ka naxay, waxaa la geeyay gurigiisa oo ay horay u taqiinay Foos, reerkiisa ayaa kusoo xoomay iyo weliba deriskii, halkaana waxaa lagu wareystay Foos, waxeyna sheegtay wixii dhacay oo dhan.

Saacid waxaa la jiifiyay gurigiisii iyada oo la ogaaday in uu shook qaaday, muddo kadib ayuu soo naaxay, wuxuuna hadal ku bilaaway:-

Waxaan ahay nin waashoo

Wadadii ka weekday

Wabiyada jid mooday

Weerarada dunidiyo

Wakhtigaa i wiiqay

Waa yihii aan soo maray

Wahsi aniga keyga ah

Waxbaa lagula hayey

Isla weyni eersaday

Anna waayay gabadhii

Wehel aan ka dhigan lahaa

Intaas markii uu ku hadaaqay ayee reerkiisa isla garteen in ay qur’aan saaraan, Nimco waxba kama Ogeyn inkastoo markii dambe ay Foos u sheegtay in xaaladiisu xun tahay uu dhimir la’aan qarka u saaran yahay, Nimco uma diirnixin Akhbaarta Foos, waxa ayna ugu jawaabtay nasiibkii’’.

Lasoco qeybta xigta Jimcada soo socda.


QEYBTA 6-aad ee Sheekadii Waali iyo Walbahaar Jaceyl.

$
0
0

IIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIOK

Saacid Xaaladiisa aad ayey u sii xumaatay, waxaana loogu yeeray wadaado si ay  Qur’aan u saaraan,suuxdinta iyo isla hadalkana waxay u noqdeen caadi, markii Qur’aanka lagu bilaabay ayuu isna tixdaan bilaabay:-

Waadiyaal dur dur ah iyo

Webi baygu soo jabay

Waxa aan u wareeray

Wacadkaa daraaddii

Waxa weyne ii qoray

Waa inay I diidoo

Wadada igu dhaafto

Wel wel tire wasaafaad

Wa luxaa iyo wa layl

Waduurkaad aqrineysaan

Waali iyo walbahaar

Wahab igama gooyaan

Warankii Jaceylkaa

Wadnaheyga gaaroo

Wanaagey hadaad rabtaan

Waa in aan Nimco helaa.

Wadaadadii ma hakin Qur’aanka halkooda ayay ka sii wateen.

Foos oo la socotay arrimaha sida ay u dhacayaan ayaa ku wargelisay Nimco iyo Dahir arinta Saacid.

Intaas kadib Dahir oo arrinta wax ka Ogaaday ayaa ku amray Nimco in wixii ay ka qabto Saacid oo Kharash ah ay u geyso, intuu lacag u soo bixiyay ayuu darawalkii gaarigana ku amray intuu labada gabdhood qaado soona celiyo.

Intaas kadibwaxay u tageen Saacid oo xir xiran aadna u il-daran, dadka lama hadleynin,Laakin markuu indhaha ku dhuftay Nimco ayuu u Ekaaday nin bogsooday, dadkii ayaa yaabay sida uu u fiirinayo qofkaan wuxuuna tiriyay tix.

Lasoco qeybta xigta Jimcada soo socda.

QEYBTA 7-aad ee Sheekadii Waali iyo Walbahaar Jaceyl.

$
0
0

IIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIOK

Intaas kadibwaxay u tageen Saacid oo xir xiran aadna u il-daran, dadka lama hadleynin,Laakin markuu indhaha ku dhuftay Nimco ayuu u Ekaaday nin bogsooday, dadkii ayaa yaabay sida uu u fiirinayo qofkaan wuxuuna tiriyay tix.

Daahir I waalay

Oo dalaalay Jaceylka

Isagaa duur cidla ah

Dadka iiga saaray

Oo Nimcadaan doortay

Aroos kula dekeeyay

Isagaa duubkeedii iyo

Diraceedii daliiqay

Naaskeedii dubaha ahaa iyo

Dibnaheedii daawaday

Daa’imow ilaahow

Indhahiisa dam sii

Gacmahiisa duuboo

Lugahiisana dabar

Daarta uu ku hoydana

Dab holcaayo ku daa

Da’hadey u heysana

Dila hoogan ka yeel

Kii dabiibi lahaana

Mid la duugay ka yeel.

Tixdaani inta uu tirinaayay wuxuu farta ku fiiqaayay Nimco dadkoo dhanna indho tag tag ayaa ka soo haray Nimco, dhidid waa weyn ayaa ka yimid waayo habaarka ayuu ugu roonaaday kadibna Nimco waxaa u yeeray Saacid adeerkiis wuxuuna weydiiyay sida ay wax u dhaceen waxayna ku jawaabtay ‘’Saacid kalsooni is-barasho ayaa naga dhaxeysay, mana Ogeyn in Jaceyl dhab ah uu ii qaaday, hadana waxaan ahay Marwo laakin aniga oo tixgalinaaya Bani’aadanimada adeer hoo Lacagtaan, waxaa jiro waqti ee ha lagu daweeyo, midda kale xaaladiisa kor ayan kala socon doonaa, hadana nabadeey’’, Foos iyadu waa ka hartay oo waxay ku hartay Saacid laakiin waxa uu ka jesan diiday dhankii ay Nimco ka baxday waxaana hal qabsi u noqday:- NUQDA TEYN FOOQUL BACLI, FULL STOO.

FG. Haddii uu alle idmo Sheekadda waxa ay ku ekaan doontaa Jimcaha soo socda haddii uu alle raali ka ahaado halqeyb ayaa nooga harsan.

Lasoco Qeybta xigta Jimcaha dambe. 

QEYBTA 8-aad ee Ugu dambeysay Sheekadii Waali iyo Walbahaar Jaceyl.

$
0
0

IIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIOK

Tixdaani inta uu tirinaayay wuxuu farta ku fiiqaayay Nimco dadkoo dhanna indho tag tag ayaa ka soo haray Nimco, dhidid waa weyn ayaa ka yimid waayo habaarka ayuu ugu roonaaday kadibna Nimco waxaa u yeeray Saacid adeerkiis wuxuuna weydiiyay sida ay wax u dhaceen waxayna ku jawaabtay ‘’Saacid kalsooni is-barasho ayaa naga dhaxeysay, mana Ogeyn in Jaceyl dhab ah uu ii qaaday, hadana waxaan ahay Marwo laakin aniga oo tixgalinaaya Bani’aadanimada adeer hoo Lacagtaan, waxaa jiro waqti ee ha lagu daweeyo, midda kale xaaladiisa kor ayan kala socon doonaa, hadana nabadeey’’, Foos iyadu waa ka hartay oo waxay ku hartay Saacid laakiin waxa uu ka jesan diiday dhankii ay Nimco ka baxday waxaana hal qabsi u noqday:- NUQDA TEYN FOOQUL BACLI, FULL STOO.

Laakin dadku ma garaneyn macnaha uu uga jeeday Erayadaas ileyn maskax ma hayee adeerkii ayaa inta la yaabay wuxuu yiri Saacid adeer maxaad dooneysaa?

Saacid wuu istaagay isaga oo xir xiran waxaana ku xoonsanaa dad fara badan oo rag iyo dumarba isugu jiray isagoo gacmaha kor u taagaya ayuu wuxuu yiri:-

Daa in waa ilaahay

Dadka taan ka doortaa

Dabin ii dhigaysoo

Damac iigu beertay

Dariiqa igu daysay

Dooqlaay inay tahay

Daah igama saarnee

Daacad baan u ahaa

Daahir byga raacday

Dadow aqal daleeshii

Daahyada u xirataa

Damaceeda galisee

Da’hasiin ilaahow

Danaheeda dhaafsii

Durji daaro dheer saar

Daruuraha circa iyo

Dabylaha ku sii daa.

Intaa markii uu marayo ayuu oohin la dhacay, Adeerkii ayaa fariisiyey illintiina ka tir-tiray, isagoo dadkii meesha ku soo uruuray ku dhahaya, Wiilkayga faataxada isugu dara, tani waa waalli iyo walbahaar Jaceyle.

–DHAMAAD–

David Moyes: Waxaan keeni doonaa ciyaartooy cusub inta uusan suuqu xirmin

$
0
0

david-moyes-manchester-united_1
Macalinka Manchester United,David Moyes ayaa ku adkeystay in saxiixyo cusub ay imaan doonaan kooxdiisa inta aaney xirmin daaqada kala iibsiga.

Xidig yaraha Uruguay Guillermo Valera ayaa ah ciyaariyahan kaliya ee ilaa hada ay la soo saxiixatay Man United kaas oo laga yaabo in isna amaah lagu diro.

Kooxda Premier League hanatay ayaa loogaga adkaaday saxiixa Thiago Alcantara kaas oo dooqday Bayer Munich ,halka labo jeer laga soo diiday dalab ay udireen Cesc Fabregas.

“Waxaan umaleynaya in aan ciyaartooy cusub keeni doono inta uusan xirmin suuqa ayuu Moyes usheegay Sky Sports News.

“Waa ay imaan doonaan , mudo dheer ayaan daba soconay ,laakiin hadii aad tiraahdo wax walba waa xirmeen , jawaab ma bixi kari doontid,

“Waan ku raaxeysanaya ciyaartooydaan ,waxaan heystaa kooxdii hanatay Premier League sanadkii hore

Wararka ayaa sheegaya in Manchester United ay udhowdahay saxiixa xidiga Everton, Marouane Fellaini.

Aqriso qeybta 5-aad sheekada “Ma gabadheenna ayaa ka xun gabadha aad bad-baadineyso? Hada ka laabo furitaanka aad ku dhawaaqday”,.

$
0
0

Muslim-Romantic
Qeybtii afaraad ayaa waxa ay noo joogtay iyada oo  ay Xaawo ku tiri ayeeyadeed, “Ayeeyo waxa aan doonayaa in aan kuu sheego arin isla soo deristay waana kaa xishoonayaa. Seen yeelaa. Amaa idishaa hadii aan kuu sheego?”.

HALKAAN KU DHUFO SI AAD U AQRISO SHEEKADA

Aqriso qeybta 6-aad sheekada “Ma gabadheenna ayaa ka xun gabadha aad bad-baadineyso? Hada ka laabo furitaanka aad ku dhawaaqday”,.

$
0
0

Qeybtii shanaad ee sheekada waxa ay noo joogtay ayeeyo oo gabadheedii ku dheheysa, “Hee waa aqaanna kan caruurta iyo xaaska meesha ku lahaa. Muxuu kaa sameeyay gabadheydiyeey kaas waaba necbahay hadii wax yar kaa sameeyay anaa aqaanna sida la leeyee”.

“Ayeeyo ninkaas aniga xaaskiisii ayaan ahay waan jeclaaday, wuuna imehersaday ee wax dhib kala ah iima geysan, sidaas ayaan doonayay in aan kuu sheego”, Xaawo ayaa ayeeyadeed sidaasi u sheegtay.

HALKAAN KU DHUFO SI AAD U AQRISO SHEEKADA

 

Qiso Cajiib ah oo mudan in la Akhristo.!

$
0
0

qisoqiso-yaab-leh2Hada ka hor ayaa nin Dr ama dhaqtar ahaa oo dr naajix ahaa ayaa gurigiisa ka baxay asagoo u socda airport waxuu u socday in uu ka qaybgalo shirarka takhaatiirta caalamiga waxaana lagu siin lahaa abaalmarin ,dr aad bay ula wayneed arintaas ,diyaaradii waa kacday markii ay caabar socotay aysan gaarin meeshii ay ujeedkeedu ahaa ayaa waxa soo baxday cilad farsamo..

Waxaa loo sheegay rakaabkii in ay diyaarada ku dagi doonto airport uGu dhaw ,dadka rakaab ka ahna laga saarin doono diyaarad kale maalinta bari ah .ninkii DR ahaa ayaa u tagay gabar fadhisay xafiiska waxuuna u sheegay in uusan sugin Karin bari uu leeyahay shir muhiim ah.

Gabadhii ayaa ku tiri ,aniga arintaas waxba kama sameen karo ,laakiin magaaladaad u socoto sas uma faga ,hadaad gaari qaadato waa 3 hours driving ,Dr oo necbaa gaari wadista masaafada dhaadheer ayaa option kale waayay ,gaari rent (kiro) ah ayuu soo qatay wuuna kaxeeyay ,markii uu cabaar socday ayaa roob xun bilaawday oo waxba laga arkeen ,ninkii wadadii uu dhumiyay.

Wuxuuna socday mudo sedex saac ah meel qaldan markii uu quustay ayuu arkay guri yar oo meel ka taagan ,waxuu is lahaa aad ka heshid waxaad cunto iyo taleefan aad dirsato si laguu hago maadaama mobile kiisii uu bilaa dab noqday ..Dr markii uu gurigii imaaday ayuu irida garaacay ,waxaa lagu yiri so dhaaf , mase waxaa joogta duq waayeel ah oo curyaan ah ,salaam ka dib waxuu ka codsaday in talefan uu ka heli karo iyo inkale ,islaantii waa yeelka aheed aa u sheegtay in aysan teleefan qabin ,balse uu raashin ay siin karto .

Dr-kii waxuu arkay islaantii oo duceeyneesa misana waxuu arkay canug meel jiifa .waxuu ku yiri yad u duceeyneesaa . islaantii baad tiri ducooyinkayga dhan waa la aqbalay ilaa hal mid ma ahee. Dr-kii ayaa suaalay mida an la aqbalin ,islaantii waxay tiri wiilkaan yar oo jiifa waxaan u ahay ayeeyo waalidkiisa way dhinteen waaxa xanuunsanyahay ma dhaqaaqi karo waxaana laygu yiri hal nin oo Dr ah ayaa daaween karo ,DR kaasna waa iga fogyahay ,anigana waayeel aan ahay ma gaari karo meeshuu joogo ,

Islaantii waxay u sii raacisay Dr magaciisa ,waxuuna noqday isla aasagii .Dr ilin ayaa indhahiisa buuxisay ,waxuuna ogaday in ay dhumistiisa iyo diyaarada waxa ku dhacay ay aheed aqbalida islaantaan ducadeeda oo waxaa qornaa in oo gurigeeda uGu imado ayadoon raadin .. Dr-ka sidii uu ku daaweeyay wiilkii yaraa wuuna caafmaaday … masha alah … سبحان الله ولا حول ولا قوة الا بالله. هو مدبر الامور…سبحانه وتعالى..

Waa qiso cajiib ah mudana in lagu cibro qaato, sheekadaan waxaan ka faaidnay wax walbo oo lagu duceysto inuu ALLE kor ahaayee noo fududeynayo anagoo meelna u dhaqaaqin…

 

W/D Abdisalan Mohmed Hassan


Yaabka Yaabkiisa: Lamaane 10-sano wada dagnaa hadana hal habeena ama daqiiqdna wada seexan,Sheeko

$
0
0

111111111111

Waa sheeko Xiiso leh oo majaladaha England ay soo daabaceen toddobaadkan islamarkaana waa sheeko jaceel oo guurka kadib ah.

Ian iyo Paula McFadyen oo ah labada ruux ee sheekadan quseyso ayaa ka sheekeynaya mudo 10 sano ah oo ay isqabeen in hal habeena ay isku calfan sida nin iyo xaaskiisa iyadoo ay jirto in ay wada joogeen hal hooy ay ku wada noolyihiin kuna seexdaan hal sariir.

Paula oo ah haweeney 49 jir ah wey ka weysay odeygeeda isku soo dhawaansho jireed mudadaas halka seygeeda Ian oo 47 jir ah uu ka soo horjeeday inuu la galmooda xaaskiisa sababo jiro awgeed oo aad ogaan doonto.

“Ma jirto wax taabasho ah,shumis ama habsiin iskaba dhaaf isku imaansho galmo ah ayey tiri xaaskiisa.

Paula waxaa ay sheegtay in ninkeeda ay u baahneyd marwalba inuu u soo dabco laakiin waxaa ay tiri waxaa uu iga digay xitaa xiliga jiifka ineysan taaban isaga markaas oo uu hurdayo hadii kale uu talaabo ka qaadayo.

Hadalkeeda waxaa ay intaa ku dartay”hadii aan habsiiyo marwalba dib ayuu iga dhaqaaqi jiray oo uu ikala tuurayay waxaana uu ii isticmaali jiray ereyo ah ciwaadeyso balse ma jirto wax jeceel ah.

Xiligan waxaad isweydiineysaa maxey tahay sababta ninkan uusan xaaskiisa ula seexan hal habeen xitaa iyadoo dooneysay mudo toban sano ah.

Xiligiisii koriimada McFadyen ee u dhaxeysay da’da lix ilaa 14 jir ayaa si joogta ah loogu soo bar baariyay inuu galmo la sameeyo afar macalin ee dugsigii uu seexan jiray balse waxaa ay aheyd mid lagu qasbayay inuu u adkeysto.

Xiligiisii 17 jirka waxaa lagu xukumay xabsi siddeed sano ah sababo ku aadan arintaas inkastoo uusan dhameysan xukunkiisa.

“Alla maxey I dhaawacady,uma dhaawan Karin xitaa xaaskeyga maxaa yeelay waxaan soo xusuusanayaa ayuu yiri xadgudubkii iyo aflagaadeyntii shacabka ayuu yiri McFadyen.

“waxaa ay ila noqoneysay isku dhawaanshaha jirka iney tahay xadgudub,uma tagi Karin xaaskeyga Paula maxaa yeelay waan iska ilaalinayay,xaaskeyga waxaa ay iga codsan jirtay inaan halmar qabto si aan hab u siiyo anigana waan ka carari jiray waxaas oo dhana waxaa mududaas 10-ka sano u sameyanayay ayuu yiri fadeexooyinkii dhalinyaranimadeyda.

Waxaa diyaariyay Maxamed Khadar Ibraahim Daahir

QISO DHAB AH: Heestii Nolosha cusub soo dhawee oo noqotay qiso dhab oo ku dhacday Mursal Muuse DAAWO.

$
0
0

MURSAL
Heesta beryahaan ay isku heysteen qaabka loo sameeyey sida telefishinada iyo saxaafada Soomaalida oo dhan wada saameysay ayaa soo ifbaxday sababta rasmiga ah ee loo sameeyey.

Marka aad heesta miraheeda si fiican u dhuuxdo waxaa kaaga soo baxaysa wiil saaxiibkii waano usoo jeedinaya.

Hadaba Heesta waxaa miraheeda leh Cabdirisaaq Xaamud Ceydiid “Jeylaani” waxaana ku luuqeeya Maxamed BK oo ka tirsan kooxda Geeska Afrika ee ka dhisan magaalada Hargeysa kaasoo qaaday sannadkan biloowgiisa ama habeenkii ay soo galaysay 2014-ka.

Sheekada waxay u dhacday si cajiib ah oo aan lawada ogeyn oo xitaa la ii sheegay in Maxamed BK oo ah fanaanka heesta qaaday uusan ka warheyn sababta ka danbeysa inkastoo nux nux hoose ay sheegayso inuu si weyn ula socday ula jeedka laga dan lahaa.

Fanaanada Hodan Abdirahmaan ayaa booqasho waxay ku timi gobolada Somaliland oo ay ku nool yihiin waalidkeed iyadoo heeso mid mid ula qaaday wiilasha xidigaha geeska Afrika, waxaana jacayl daran u qaaday Mursal Muuse oo xitaa ay hees jacayl ah wada qaadeen inkastoo ay ka muuqatay heestooda DHAXDIN deganaan iyo adaab aad u wanaagsan oo aan laga daremeyn inuu jacayl yahay gabadhaasi.

HEESTA MURSAL IYO HODAN EE DHAXDIN HALKAN RIIX OO FIIRSO:

Hodan iyada kama aysan war heyn lamana hubo in Mursal jacaylka uu u qaaday uu usheegtay Hodan Abdirahmaan, hase yeeshee waxaa la xaqiijiyey in Mursal jacaylka hayo uu ku sir qarsaday saaxiibkii abkaanka da’da yar Cabdirisaaq Xaamud Ceydiid “Jeylaani” oo ay waliba saaxiib dhaw yihiin Mursal.

Jeylaani dhowr jeer ayuu kala taliyey in Mursal uu iska iloobo jacaylka Hodan uu uqaaday, wuxuuna ugu micneeyey in Hodan aysan usoo jeedin in Mursal ay jacayl la jisho, Hargeysana ay u timi salaanta waalidiinteed iyo ineey heesaheeda ku kororsato, laakin taasi Mursal dhagaha ayuu ka fureystay oo hawshiisa ayuu sii watay, ka dib maxaa dhacay?

Hodan waa ay iska tagtay oo ku laabatay Mareykanka oo markeedii hore ay ka timi waxaana la ogaaday ineey jaceyl wada jilayeen wiilka fanaanka ah ee Mohamed Alta oo ugu danbeyntii ay aqal galeen, halka Mursal Muuse uu xaasle ah ay u dhaxdo fanaanada Khadro Silimo.

Mursal iyo hodan

Hodan Abdirahman waxay la aqal gashay Maxamed Alta

Hadaba Heesta uu qaaday Maxamed BK oo muranada badan dhalisay ayaa soo shaac bixisay cida loo qaaday inkastoo waqtiga la qaaday ay ahayd habeenii ciida sannadkan aynu ku jirno ee 2014-ka lagu soo dhaweynayey, waxaad hadaba ka dheehan kartaa karti yarida Mursal Muuse oo heesta aan ka war hayn marka ay bilaabanaysay oo xitaa magaceeda la qariyey goob joog ayuuna ka ahaa markii ay bilaabanaysay jaanta ayuu la waday wuuna faraxsanaa oo wuu is ruxayey laakin markii ay erada biloowdeen ayaa Mursal wiishka ku yeeray oo wuxuu joojiyey sacabkii iyo is ruxidii uu samaynayay dhabanada ayuuna qabsaday Fiiri Sawirka hore iyo kuwa danbe maxaa kaaga soo baxay?

Mursal_Farxad

Biloowga heesta Mursal aad buu damaashaadayaa wuuna faraxsan yahay

Heesta miraheeda markay bilaabatay wuxuu Mursal dareemay in isaga ay ku socoto

Heesta miraheeda markay bilaabatay wuxuu Mursal dareemay in isaga ay ku socoto

Mursal_Murugo.jpg1.jpg4 Mursal_Murugo.jpg1.jpg2

Heesta inteey socotay oo dhan Mursal wuu murugeysnaa

Heesta inteey socotay oo dhan Mursal wuu murugeysnaa

Sidii kale heesta inta la qaaday saaxiibada gaarka ee Mursal Muuse sida Maxamed Cirro, Yurub Geenyo iyo Cabdi Hani Xaashi aad beey u dareemeen waxa dhacaya waxaana wajiyadooda laga dheehan karayey sida ay ugu xun yihiin waxa markaasi dhacayey HEESTA NOLOSHA CUSUB SOO DHAWEE oo BK uu qaadayey.

Si kastaba ha ahaatee Heestaan ayaa sirtii loo sameeyey oo ahayd waano ku socotay Mursal Muuse oo lagu yiri miraha heestan fiiri: Wuxuu yiri Cabdirisaaq Xaamud Ceydiid “Jeylaani”

FIIRO GAAR AH: HEESTA DHAGAYSO OO FIIRSO, DEYMO GOONI U LAHAAW MURSAL BILOOWGA IYO DHAMAADKA WUXUU SAMAYNAYO MARKA HORE WUU FARAXSAN YAHAY LAAKIN MARKA BK UU BILAABO HEESTA KA DIB WUU IS XIRAYAA, XITAA SAAXIIBADA QAAR BAA KA XUMAANAYA OO JIIBTA IYO JAANTA JOOJINAYA:

Nafyahay caashaqu ka gadey
qof kale caqligeediyey
xusuus ku casuumaneey
Cidlada wehel moodaysaay

Ha caban ha caban caban
waxaan kugu idhi
ha caban Ilmada cesho baan ku iri

Laabtana culey baan ku idhi
cawanaa cawana tasho bana ku idhi

ha caban waxana kugu idhi
ilmada ilmada ilmada cesho baan ku iri
laabatana culey baan ku idhi
cawana cawana cawana tasho baan ku idhi

Waqtigu wakhtigu wuu cararayaa
Jacayl jacayl jacayl caal helayn
ka jar kaba goo calooshoo
nolosha cusub soo dhawee

Nafyahay caal waa ha noqon
Nasiib-kana ha u cadhoon
haduu calafka ceshadey
cudoon wey tagteei loow
haa way tagtayee ogoow.

Ka cugo waxaan kugu idhi
ka cugo Gayaanka gayaanka gayaankaa
Gayaanka calmo baan ku idhi
Cidaab qalbigaan ku idhi
Mar uun mar uun mar uun
Ciil bax baan ku idhi

Waqtigu wakhtigu wuu cararayaa
Jacayl jacayl jacayl caal helayn
ka jar kaba goo calooshoo
nolosha cusub soo dhawee

Guud ahaan heesta ayaa ah Waano ku socotay Mursal Muuse isagana wuu fahmay, caradii uu ka qaaday Hargeysa oo dhan buu isaga tagay, wuxuuna go’aansaday inuu jabiyo sharciyadii u yiilay kooxdiisa Geeska Afrika waxayna isku dhaceen Gudoomiyaha kooxda Laab Saalax markii uu been u sheegay oo ku yiri Aroos baan Berbera kusoo samaynayaa markuu tagayna wuxuu samaystay Bandhig Faneed.

Bandhiga Faneedka Mursal Muuse uu ka sameeyey Berbera waxaa ogaaday Gudoomiye Laab Saalax waxaana uu helay xayaysiintii iyo tikidhadii lagu galaayey wuxuuna ku xardhay xarunta Kooxda Geeska Afrika oo markuu Mursal yimi ayuu arkay waxa darbiyada ku dhagan.

Mursal iyo Xaaskiisa Khadro Silimo waxay u baqooleen ineey isaga tagaan magaalada Hargeysa oo waxay isku dhaceen gudoomiye Laab Saalax oo ku yiri waxaad iloowday inaan magac kuu yeelay balse nabadeey, Jabuuti ayuu u shiraacday Mursal Muuse ka dibna Dubai iyo dhulka Afrikada deriska la ah Somalia.

Si kastaba lama huraan waa cooskii jilaale Mursal Muuse dib buu ugu soo laabtay magaalada Hargeysa cafis baana u fadiiyey gudoomiye Laab Saalax. Heesta NOLOSHA CUSUB SOO DHAWEE waxaa loola jeeday inuu iska iloobo gabadhan Hodan Cabdirahmaan oo ku ekaado xaaskiisa.

Laakin Mursal Hees kale ayuu soo qaaday oo uu ugu talo galay Hodan Abdirahmaan iyadana hoos riix si aad udhagaysato:

Heesta SAHAL KUMA RAXLEYN KARO:

Gabadh Indha’la, oo Dhago’la, oo Aan Hadlin, Curyaan ah ayaa lagu Meheriyey! – Sheeko

$
0
0

Wuxuu ahaa Nin dhalinyaro ah wuxuu ag marayey Beer weyn dhinaceeda, waxa uu arkay xabad Tufaax ah oo Geed beerta ka mid ah ka soo dhacday. Xabbadii Tufaax ahayd ayuu cunay baahi markaasi haysay awgeed, markuu dhamaystay ayuu xasuustay in aanu iibsan, qofkii lahaana ka fasax qaadan.

Wuxuuna ahaa Wiil ilaahay ku xidhan oo xalaal quud ahaa, wuxuu go’aansaday in uu beerta galo oo ninka leh cafis weydiisto una sheego in uu dhawr xabbo oo Tufaax ah oo geed beertiisa ka soo dhacay cunay.

Beertii ayuu soo galay wuxuu u yimid Ninkii beerta lahaa oo dhex joogo, wuxuu u sheegay in uu dhawr xabbad Tufaax ah oo geed beertiisa ka mid ah ka soo dhacay uu cunay, wuxuuna ka codsaday in uu cafiyo oo uu saamaxo.

Ninkii beerta lahaa wuxuu ku yidhi kuma saamaxayo, wuxuu ku yidhi haddaba qiimahooda ii sheeg aan lacag ahaan kuu siiyee, wuxuu ninkii beerta lahaa ku yidhi lacagna kaa qaadan maayo, wuxuu ninkii dhalinyarada ahaa yidhi haddaba aan beerta kaaga shaqeeyo si aan isaga gudo qaanta, Maya ayuu ninkii yidhi beertana iiga shaqayn maysid, kumana saamaxayo intuu ku yidhi wiilkii ayuu ka dhaqaaqay oo gurigiisii aaday.

Wiilkii dhalinyarada ahaa waa ka daba dhaqaaqay isaga oo aad uga baryaya in uu cafiyo , kana tuugaya in uu saamaxo, ninkii gurigiisii ayuu galay , wiilkiina isaga oo murugaysan ayuu gurigii ninka ag fadhiistay , salaadii casar markii La gaadhay ayuu ninkii soo baxay mise wiilkii dhalinyarada ahaa wuxuu ku sugayaa guriga hortiisa, wuxuu haddana ka codsaday in uu saamaxo.

Nninkii aad ayuu ula yaabay wiilkan dhalinyarada ah ee aadka uga murugaysan dhawr xabbad Tufaax ah oo uu cunay , ka dibna waxa uu ku yidhi waan ku saamaxayaa laakiin hal shardi (xujo) haddii aad ogolaatid ayaan kaa dhaafayaa Tufaaxii aad cuntay.

Wiilkii oo faraxsan ayaa yidhi maxay tahay waan yeelayaa oo waan samaynayaaye, wuxuu ku yidhi gabadh aan dhalay oo indha-la oo aan hadlin oo dhago-la oo curyaan ah haddaad guursatid waan kaa saamaxayaa dhawrkii xabbaddii Tufaaxa ahayd ee aad cuntay.

Wiilkii talaa ku cadaatay wuxuu sameeyo ayuu garan waayey maadaama uu xalaal quud ahaa , waxaan loo idmin ama iibsana uu cunay , saamaxaadeediina xujadan lagu xidhay waa yahay ayuu yidhi waan guursanayaa.

Ninkii gabadha dhalay wuxuu balan qaaday in uu walibana isagu qabo kharashka arooska ku baxaya , wiilkii gabadhii ayaa lagu maheriyey , qolkii loogu tala-galay markuu galay ayuu doonay in uu salaamo ka dibna wuxuu xusuustay in ay dhago La,-dahay , oo indho La-dahay , hadal-na haba sheegin,curyaanna tahay, haddana wuxuu yidhi iska salaan ajar ilaahay agtiisa ayaa lagaa-ga qoriye wuxuu yidhi Asalaamu Calaykum , mise markiiba gabadhii ayaa u jawaabtay oo tidhi Wacalaykuma Salaam.

Waa naxay oo farxay , wuxuu dareemay in ay wax maqlayso oo hadlayso, hore ayuu u soo socday wuxuu ka qaaday maradii saarnayd ee ku dadnayd mise waa gabadh quruxdeeda dayax Shan iyo toban lagu mitaalo , wiilkii waa yaabay oo farxay, way istaagtay oo dhankiisa u dhaqaaqday mise wuxuu arkay in aanay curyaan ahayn oo caafimaad qabto.

Ninkii gabadha ku meheriyey ayuu u yimi oo ku yidhi maxaad iigu tidhi waa indho La-dahay oo dhago La-dahay , oo mahadasho, oo waa curyaan fadhida

Wuxuu yidhi haayoo waydhago La-dahayoo xumaan ma maqasho, Way indho La-dahayoo wax xun may arag , Ma hadashoo xumaan afkeeda kama soo baxdo , waa curyaanoo macaasi iyo danbi uma lugayso ee gurigeeda ayey joogtaa,adigana waxaan kuugu guuriyey markaan ku arkay Xabbad Tufaax ahi siday kuu dhibtay oo aad u tahay xalaal quudad , markaas ayaan go’aansaday inanta(gabadha) aan dhalay in aan kuu guuriyo , oo aad tahay nin lagu aamini karo.

Qisadani waxay ku dhacday Abii Xaniifah Ibnu Al-Nucmaan Aabihii oo la odhan jiray Al-Nucmaan Ibnu Ibraahim, ilaahayna guurkoodii wuu barakeeyey waxaana ilaahay siiyey Abii Xaniifah Ibnu Nucmaan oo ah Shiikha caalimka ah ee afarta mad-habood ee aduunka ugu caansan mid ka mid ah dejiyey.

Aabaha wanaagsan ee dadaalaana caruurtii ilaahay siiyey si wanaagsan ayuu u tarbiyadeeyaa, ka dibna goob wanaagsan u sahamiyaa, wiil iyo gabadhba.

W/D: Asad Adaani Ibraahim

FARIIN CAASHAQ:- Keliya qalbigeyga iyo aniga ayaa dhisnay qasri uu aasaaskiisu yahay jaceyl.

$
0
0

Keliya qalbigeyga iyo aniga ayaa dhisnay qasri uu aasaaskiisu yahay jaceyl.

Waxaad tahay dab kaasoo guba dareenka caashaqa nafteyda.
Waxaan ku siiyey natiijada jaceylkeyga,mana aqoon faraxada heerkan gaarsan,haseyeeshee qalbigeyga weligiis ma uusan arag xanuunka nuucan ah.

Waxaan ku siinaayaa jaceylkeyga,waayo waxaan kuu jeclahay si daacad ah,laakin kuma siin karo nafteyda iyo qalbigey,sababtoo ah waxaan ka baqaayaa inaad laba qeybood u kala jebiso.

Jeceylkaaga waxey iila mid tahay sawir ay ku yaalaan kumanaan ereyo oo xambaarsan kalsooni iyo farxad aan la soo koobi karin,islamarkaana riyo u ah waxwalbo oo macaanka nolosha leysugu geeyey..

Waqtiga wuxuu waxwalbo ka dhigaa kuwa duqnimo iyo daciifnimo ku keena,laakin jaceylka aan kuu qabo adiga daqiiqadkasta maalin walbo wuxuu usii xoogeystaa si wanaagsan.

Daqiiqado yar ayaad nolosheyda uga dhigtay mid dareensan sida iney macno xaqiiq ah ku fadhido.

Inaan adiga ku jeclaado waa waxa kaliya ee aan sida fudud ku bartay,isku dayga inaan ku ilaabana waa waxa ugu dambeeyo ee ay macquul tahay inaan ku fekero,sababtoo ah waxaan kuu jeclahay si qoto dheer.

Sideen ugu fekeraa inaan hurdo macaan helo hal habeen adiga la’aantaa? Nolol nuucee ah ayey noqon kartaa? Waxaan u baahanahay inaan garabkaaga joogo,waayo waxaad tahay dunideyda,nafteyda iyo qalbigeygaba.

Hadii qoraxdu ay diido iney soo iftiinto,waan ku sii jeclaan doonaa,hadii buuruhu ku soo jajabaan bada,waxaan weli ahaan doonaa qof dhinacaaga taagan.

Jaceylka aad i siisay wuxuu ka dhigay maalmaheyga kuwa ifaya,fekrada inaan ku waayaana waa iney ii dhamaatay oo kale,ii ogolow inaan ku jeclaado ilaa inta wadnayaalkeenu joojiyaan neefsashada.

Doonistaada marwalbo waa mid daacad iga ah,sida illinta mucaashaqiinta ee aan xuduudka laheyn.

Fariimo Jaceyl : Dareenka Caashaqa Dhabta Ah Kuma Dhismo Himilooyin Been Abuur Ah.

$
0
0

Kama baxsan karo xusuustaada,xitaa riyada waan waad ka dhex muuqataa,cadaaladna maahan sidaad u tagtay adigoon gadaal soo eegin si xawaare lehna ku socda anigana weli waxaan ku dhex noolahay marxaladii aad igu ogeyd.

Ugu dambeyn waxaan isku dayaayey inaan ka gudbo inaan dib kuu aamino,islamarkaana aanan kuu baahanin,waxaana garwaaqsanaayey inaad heshay qof kale,laakin wax walbo daqiiqado ayey isku bedeleen markaad ii muujisay qalbi furnaan,adigoo weliba ii muujiyey rajooyin cusub.

Weli waxaan kuu sidaa ubaxii udgoonaa,mana qalalin caleemihiisa weli,waayo waxaan ku quudiyaa waa illinta caashaqeyga,mana awoodin illintaas inaan gacanta ku tiro,ha gaarin go’aan aad ku jawaabto,hadii aad weli dooneyso inaad hubsato,hana dhihin weligaa kuma jecli hadii aadan jecelylkaas ka maarmi karin,waayo kelmadaas waxay ii dhaawaceysaa si qoto dheer.

Mararka qaar waxaan ku fekeraa iney wanaagsaneyd inaanan noloshaba ku kulmin,maxaa yeelay waxaan ku seexan lahaa sariirteyda si nabad ah,qiimaha jaceylkana wuxuu ii ahaan lahaa dareen qurux badan oo farxad laga kulmo.

Sideen kuu ilaawaa hadiiba aad marwalbo maskaxdeyda ku jirto? Sideese kaaga kaaftoomaa hadiiba waxa keliya nolosha aan u tebaayo aad adiga tahay?alcarabiya.com Iima fududo inaan ku siidaayo daqiiqad walbo waa ay iiga culus tahay tii hore hadii aan dhinaceyga kaa waayo.

Sidee aanan kuu jeclaan mar hadiiba qalbigeyga uu gacantaada ku jiro?

W/Q Fardowsa Maxamed Cabdulle
fardowsocabdule@gmail.com

Akhristow Ogaaw Haddii aad risaaladaani u dirto Jaceylkaada isbedel degdeg ah filo

$
0
0

Haddii aan ku siiyay kalsoonideyda,ha luminin,hadii aad qalbigeyga gacmahaaga ku heysana ha dhaawicin, Kalsoonida waa sida muraayad oo kale,hadii mar la jibiyana lagama yaabo in dib la isugu keeno.

Hal qof ayaa u qalma in ay illintaada daadato,islamarkaana ilaalin kara dareenka qalbigaaga iyo farxadaada,kuuna jecel in kabadan inta aad adig jeceshahay.

Dadka qaar waxa ay yiraahdaan wa ay adag tahay in la xusuusto,waana kugu adkaataa inaad cafiso,ha hilmaamin inaad iga cafiso qaladaadka yar yar,hana ilaawin waligaa balantii dhexdeena.

Jaceylku maahan sidaad u hilmaanto ee waa sidaad u cafiso,mana ahan sidaad u maqasho ee waa sidaad u fahanto dhawaaqa wadnahaaga,islamarkaana aad u dareento ahmiyada uu qofkaas kale xagaaga ka leeyahay,mana awoodid inuu qofkaas kaa tago waxa ay kugu qaadataba.

Jaceyl waa sida dahab kuusan oo kale,wa ay adag tahay inaad hesho oo aad hadana ceshato, qofkasto aan la kulmana adiga keliya ayaa ka ah kan aan marnaba ilaawin oo hooskiisa aan raadiyo,nafteydu kala soo dhex baxday aduunka oo idil.

Ka agdhawaanshaha ma dhiso xiriirada lamaanaha,waa isku xer ka yimaada qalbiyada,kaasoo aan noo ogolaan inaan is ilaawno ebed.

Waxa dadka qaar ka dhigo kan ugu qaalisan ma ahan farxada marka aan dareeno inaan la kulano,laakin cidlada aan dareeno marka aysan agagaarkeena joogin waxey na bartaa qiimaha uu leeyahay bini aadamku inuu lahaado dad jecel oo daneynaya xaaladihiisa nolosha.

Aan ahaano kuwa isku qalbi furan marwalbo,kalsooni wacana isku hibeeya.

Illintu walbo waa qalbi jab,aamusnaantuna waa calaamadaha kelinimada iyo inaad gacanta ku heyn wehel naftaada siiya firfircooni iyo isku qanacsanaan,wacdaraha.com,yididiilada iyo qalbi furnaanta hadii ay kaa muuqato waxey taas macnaheedu tahay in aad gacanta ku heyso farxadii nolosha ee hasii deyn.

Keliya qalbiyo yar ayaa si fudud u cadeyn kara daacadnimada jaceylka dhabta ah,dadka qaar waxey kugu qaldaan xoogaa dhoolacadeyn ah iyo illin been abuur ah,Ha u ogolaan naftaada in dibindaabyadaas laguu dhigo.

MAQAAL XIISHO BADAN OO SOO JIIDASHO LEH: – Riyadii Macaaneed!!

$
0
0

Shidane
Waxaan soo galay aqalkii yaraay ee aan dagnaay, kuna yaallay xaafadda dadka soboolka ah la dajiyo, aniga oo lugaha qaadi la’ daal iyo tabar la’aan awgeed. Qolka jiifku wuu is ku dhex yaacsanaay, ur iyo shirifka doobnimada ayaa doc kasta ka soo baxaysay. Tabar ayaan iska raadiyay, waan tafa xeytay, sirwaal daba gaab ah ayaan is ku boobbay, si aan u nidaamiyo qolka iyo sariirta, oo ahayd sidii aan saakay aroortii uga kacay. Mar kasta oo aan daal iyo madax wareer dareemo xabbad sigaar ah ayaan shitaa, muusig cod xooggan watana waan daartay, soddan daqiiqo gudaheeda ayaan ku habeeyay qolkii, waxaan dareemayay awood ruuxaaniya oo aan waligay dareemin, tas oo ii suurta galisay in aan wax kasta kala nidaamiyo, duul kale ayaa i garab siinaayay, baahi ayaan dareemay, oo calooshii wey faaruqday, afkiina waa i angagay. Raashiin aan laba maalin ka hor karsaday ayaan qandacsaday, si aan u cuno, nasiib xumo dabkii ayaan ku illoobay, halkaas ayuu ku baaba’ay raashiinkiina. Musqusha ayaan galay si aan is kugu diyaariyo kulanka aan caawa la leeyahay gabadha rogtay qalbigayga, indha sarcaadkana igu ridday, qubeys buuxa ayaan is ku boobsiiyay, tintiina waxaan marsaday saliid, cirradii yarayd ee madaxa iiga jirtana waan tifay, si aan is kugu muujiyo in aan ahay wiil balaayo ka dhacaday, kulanku waa caawa sacaaddu marka ey tahay 10 habeennimo, waa xilliga ey farda baxaan dadka nolasha u diyaarka ah.

Labis aan waligay gashan ayaan is ku taaggay, qayb labiskayga ka mid ah waxaan ka soo tabal caaraystay mid wadaygayah. Gabadha aan la ballansanahay waa gabar aad u dhisan aqoon iyo abuurisba, waa gabar dheer, midab maariinna leh, indha kulucsan sida Xuurur-Cayntii la sheegaayay, aad u dhex yar, waxad u mooddaa in gacanta lagu farsameeyay, midabka bishimaheedu waa sida shukulaatada, balse markaan waxa ey soo marisay wax cas. Labiska iyo baroorsada ey wadato waa nuuca loo yaqaan “Dolje Gabbana”. Waxey ballanteennu tahay in aan is kugu imaanno maqaayad ku taalla dhex bartamaha magaalada, casuumaadda gabadha ayaa qabta caawa, sida hishiiskuba ahaay. Bartii ballanta ayaan is kugu tagnay, iyadoo qof kasta uu ilaallinayo ballanta. Salaan iyo is gacan qaad iyo dhabanno is ka shumin ayaan is weydaarsannay, runtii carafta iyo udcoonka ka soo haaddaayay waan la ashqaraaray.

Salaan iyo is nabadeysi kadib, waxay la soo baxday sigaar aan nuuciisa horay u arkin, “Ku soo dhawaaw” ayey igu tiri, waxaan si dabacsan oo xishood ku dheehanyahay ku iri “Mahadsanid ma cabbo”, aniga oo cabba ayaan i ska qariyay, intay dhoolla caddeysay ayey igu tiri “Haddana ha cabbin”. Wax yar kadib, waxaa na soo ag istaaggay adeeggihii maqaayadda, “Maxaad cunaysiin ama cabbaysiin” ayuu nagu yiri. Runtii ahaantii waxaan la fajacsanaay quruxda iyo jalaqsanaanta gabadha, wax aan doortaba waan garaan waayey, gabadhii ayaan ku iri “Waxaad rabto noo dalab, caawa adiga ayaan kuu daayay hawshee”. Waxay dalabtay raashiin aan magacyadooda garanayn iyo hilbo fara badan, waxaan u sheegay in aan hilibka oo dhan cunun, waa la iga aqbalay codsigaas, waana la ii qaddariyay.

Miiskii waxaa lagu soo cammiray raashiin iyo sharaab nuuc kasta ah, kuwa qabow iyo kuwa kulkululba, bakeeriyadii ayaan isku dhufannay, si aan is kugu hambalyeyno sharaabka macaan ee aan dhamayno, waa markii iigu horreysay oo aan gabar la baxo, siiba mid iiga fara dhuudhuuban dhinac waliba, dhulkii ayaa ila wareegay, oo waxaan u sharaabay sida wax horay u harraadsanaay, waxaan dareemay in aan qadkii cagaarnay ka baxay, balse gabadhu wey i dareensaneed oo meel hawo leh ayey i gaysay, cusbo iyo liin dhanaanna waa la i siiyay, halkaas ayaan ka billaawnay in aan hadalno, qayla dhaaminno, wax kasta oo maskaxdeenna ku soo dhacana sheegno, iyadu wey iga adkaysi badnayd, ninka liita waa aniga, sharaab iyo cunto caweys dheer kadib, waxaan qaadannay baabuurkii ey wadatay, oo ahaay nuuca BMW-da, meel aan u soconna ma aqaanno, balse waxaan ku jiraa gacan la hubo, gacan aan u bukay in ey i taabato, gacan aan muddo raadinaayay in ey i salaaxdo.

Habeenkaas wax kasta oo naftaydu rabtay ayaan sameeyay, waxaan u daaqay sida sac beer lagu sii daayey, saxiibtey wax kasta wey ku soo tala gashay, mana ku dhib qabin waxii na dhex maray, mar waaggii baryi rabo ayaan waxaan ka war helay aniga oo dhambacaad u dhex jiifa sariirtaydii yarayd, waan soo boodday, waan acuudubilleystay, candhuuf ayaan midig iyo bidix u tufay, si aan sheydaanka is kaga naaro, waxii aan xalay oo dhan falkinaayay waxay ahaayeen mala-awal iyo riyo, macaan iyo qaraar waxa ey ahaydba.

W/Q: Cabdicasiis Maxamed Shidane


SHEEKO CAJIIB AH: Sooyaalka noloshii Silloonayd Q-3AAD

$
0
0

SamatarSamatar ayay ku noqotey arrintani filanwaa iyo kedis, isagoo aan uga baran bulshada uu ku dhexnoolyahay, ee aan isu naxariisan, sida dugaagga midba midkuu ka awood iyo xoog roonyahay siduu doono ugu xadgudbo,waxay ahayd arrin ku cusub inuu arko dad sida hooyadan oo kale u dhaqan wanaagsan oo naxariis leh.

Samatar wuxuu la joogay hooyo Dheeg iyo Cawil ilaa ay ka baxayeen. Samatar ayaa ku yidhi hooyo Dheeg:“Ilaa aad ka ambabaxdan waan idin la joogayaa, waayo, haddii kale alaabta ayaa laydiinka xadayaa” Samatar waa ogyahay xaaladda suuqa iyo amni xumada ka jirta.

Hooyo Dheeg ayaa la yaabtay garaadkiisa iyo kartidiisa. 7da jir doonaya inuu illaaliyo, haddana, cadowga ka jiro, weliba hiil isla garabtaago, isagoo dareensan, in si fudud dadka alaabta looga hoos qaado ama laga dafo oo lala ordo. Waxay niyadda iska tidhi: “Dalka iyo dadkuu waxtari lahaa, hadduu helo cid isu taagta, waa nin karmeed dirica.” Waxay soo xasuusatay gabaygii Suldaan Axmed Wardheere, ee ahaa:

“Wiil hadduu Labiyo toban jiroo, Lali ahaan waayo

Martilawga soo dhigay hadduu, Luun ka rogi waayo

Ragannimo ludii kuma jirtee, Liidane ogaada!”

Samatar waa ilmo yar, balse, duruuftu adkaysay. Wuxuu la yaabay Daanyeer yar oo Muusig garaacaya, oo uu Cawil sitay, ka dib wuxuu weydiiyey:“Ma eegi karaa?” Cawil ayaa u dhiibay, oo ah wiilka ay dhashay hooyo Dheeg, ahna wiilkii cuntada lagu qasbayey.

Cawil waa sida hooyadii, wax didmo iyo diidma ah uma muujin, intii ay baabuurka bixitaankiisa sugayeenna waa ciyaarayeen waana sheekaysanayeen, ka dib Samatar ayaa si hoose ugu yidhi isaga oo is leh, hooyo Dheeg kuma maqlayso:

“Cawiloow hooyadaa weligaa ha ka fogaan hana dhibin, haddii kale, sidayda oo kale ayaad hooyo la’aan noqonaysaa, waxaad haysataa hooyo fiican.”

Cawil ma dareensanayn markaas ka hor inay jiraan dad nool oo aan hooyo haysan, isaguna wuxuu arkay aragti ka duwan tii uu qabay. Sidoo kale, wuxuu ogaaday in dadka ciyaala suuqa ah, iney baahi iyo hooya la’aan sababtay badankeed inay nolosha adag ku noolaadaan, oo ay jirto duruuf ka dhigtay inay dibjir iyo darbi jiif noqdaan.

Hooyo Dheeg waa maqlaysay dardaaranka Samatar, waxayna niyadda tidhi: “Wallee waa nin raga, oo meel iska soo saari kara” waana u duceysay.

Hanad waa horjoogeha kooxdan darbi jiifka ah, kuwooda yaryar ee suuqa bardaale iyo xaafadda Oomman. Hanad hadda waa nin lafa adkaaday oo da’diisu caga cageynayso 12jir. Wuu xasuustaa maalintuu noloshan qadhaadh ku billaabatey, wuuse is illowsiiyaa.

Hanad nolosha inta Samatar soo maray iyo ka badan wuu soo maray, isaga waalidkiis lama dilin, oo duullaanna kuma dhiman, balse, waxay u dhinteen, sababtii ka dhalatay halaaggii dagaalladii Jabhadaha iyo dowladda Kacaanka dhexmaray iyo duullaammadii ka dambeeyey, ee dirirta sokeeye, macaluushii iyo nafaqa xumadii ka dhalatay awgeed ayaa dadka waxaa ku dhacay, xanuunno iyo cudurro badan, iyadoo taasi jirto, ayaa waxaa da’ay roobab laxaad leh, ka dib biyihii dhulka galay ee la cabayey ayaa sababay xanuunka daacuunka kaa soo soo food saaray.

Qoyska reer Warsame oo ka koobnaa aabbe Warsame, hooyo Xalan iyo Hanad oo ahaa curadkooda ayaa ka mid noqday dadka uu haleelay xanuunkii daacuunka. Nasiibdarro, waalidka Hanadka ayaa kala dambeeyaan laba maalmood ka dib fuuqbaxay badan oo aaney helin wax daryeel caafimaad, maadaama aysan jirin gooba caafimaad (Hospital) iyo xarumo lagu daryeelo dadka. Hanadyare laftiisa waxaa saameeyey xanuunka, oo ahaa mid safa oo dadka deegaanka badankooda ku dhacay.

Qoyskan reer Warsame waxaa u soo gurmaday dad deriskooda ahaa, oo isku dayey inay badbaadiyaan, waxayna geeyeen meel markaa aad ugu fogeyd tuulada ay deganaayeen, oo dadka ku daweynayeen hay’ad Bisha cas ee Gobolka Carra Madoow, oo markaa ka hawlgelaysay.

Hanad iyo waalidkii waa la keenay waana laga tegay hooyadii iyo aabbihii, waxaa markay geeriyoodeen maydkooda asturey dadyoowgii meesha joogay, ee iyaga laftoodu keenay dadka ehelkooda ah oo xanuusan.

Hanad dhimashadii aabbihii iyo hooyadii ka dib muddo ayaa lala tacaalayey, oo waxaa soo noqday garashadiisii, wuxuuna billaabay dhaqdhaqaaq, waxaana ka joogsaday fuuqbixii, balse, markii ay maamulka hay’addu ogaadeen in waalidkiis dhintay, cid kale oo ehel ahna aysan daba socon ayay go’aan ku gaadheen in la geeyo kaam dadka lagu quudiyo.

Hanad cid iyo ciirsi ma haysan, markuu kaamkii tegayna, sidii loo kala xoog weynaa baa safka loo galay, wuxuu helana waaba laga qaadi jiray, taasoo sababtay, inuu maalintii dambe isaga cararo, oo degmada Dalsan oo iyana burburka dagaallada sokeeye waxyeelleen uu naf ka raadiyo, halkaas oo nasiibkiisu maalintii dambe kula kulmay wiil dhallinyaro ah, oo wade ka ah baabuur Bas ah nooca loo yaqaanno caasiga, uuna weydiistay kana beryey inuu geeyo ilaa magaalada Doonyaaley, isagoo uga warramay xaaladdiisa nololeed iyo inuusan awoodin inuu iska bixiyo qarashka baabuur raaca.

Wiilka wadaha ahaa ayaa aad uga xumaaday, isagoo og inuusan caawin karin, oo isaguba dhul malleeshiyaad ka buuxo, oo halis ah ayuu baabuur ku dhex wadaa. Maalin walba in ka badan labaatan jeer ayuu halis galaa, saasey tahay, waxa yare ee uu helo waxa kula nool qoys gaadhaya ugu yaraan 12 qof, oo isagu xoog u yahay iyo il dhaqaale. Ma laha baabuurka, oo wuxuu ka yahay shaqaale keliya, mana siin karo Hanad wax shaqo ah, waayo, Hanad waa yar yahay, mana laha awood uu ku noqdo dabakafuul (Kirishbooy).

Wiilkii wadaha ahaa ayaa intuu madaxa u salaaxay ku yidhi:

“Ha cabsan anigaa ku geeynayo magaalo weyn, oo suuqyo badan, oo aad noloshaada ka dhacsan karto” Hanad maalintaas waxaa u baryey waayo ka duwan kuwii hore, wuxuuna niyadda iska yidhi: “Maanta ayaad ka reysanaysaa meeshii kaamka ahayd ee gaajadu kugu dishay iyo dadkii naxariista darnaa” sidoo kale, wuxuu Hanad weydiiyey, Nageeye oo ahaa wadaha baabuurka:

“Walaal, magaalada weyn haddaan tago, saw sidaada oo kale baabuur ma baran karo sida loo wado?.” ka dib ayuu Nageeye intuu qoslay ku yidhi “Haa. Waxaa jira meelo baabuurta lagu sameeyo, oo la yidhaahdo, Garaash, haddii aad meeshaas oo kale shaqo ka hesho, waxaad baran kartaa sida baabuurta loo sameeeyo iyo sida loo wadoba. Nageeye wuxuu la yaabay wiilka yar hankiisa iyo hammigiisa, oo feker dheer galay ka dib weydiintii Hanad.

Nageeye wuxuu ahaa maalintii dagaalku billowdey ardey ka baxay dugsiga sare ee farsamada gacanta, wuxuuna imtixaanka galay kaalinta 3aad wuxuu ka mid noqday ardey toban ahayd oo loo ballanqaaday in loo qaadayo Jarmalka. Sanadkii 1991 bisha May ayuu sugayey in uu ka baxo dalka oo waxbarasho dibadeed aado, isagoo filayey inuu halkaas aqoon durugsan kala iman doono, balse, himiladiisii waxaa jabiyey dagaalladii sokeeye, maantana waa darawal gaadhi aanu lahayn, oo halis iyo sursuur adag maraya maalin walba.

Nageeye wuxuu Hanad fadhiisiyey agtiisa. Waxay muddo socdaanba waxaa lagu hakaday meel tuulo ah, oo maqaayado ku yaallaan, Hanadna wuxuu nasiib u yeeshay in maqaayad la geeyo uu cunto macaan cuno, waana maalintii ugu horreysay noloshiisa. Waxaa Nageeye u dalbay, Muufo iyo Maraq, Hanadna si hagar la’aan ah uga dhergay. Nageeye wuu ku faraxsan yahay taageerada uu fidiyey Hanadyare, sidoo kale, waa nin qalbi furan, xitaa maleeshiyaadku inta badan dhib aad ah kalama kulmo, wuu la kaftamaa, inkastoo aaysan ahayn dad laysku aamini karo.

Hanad ayaa markay maqaayaddii ka soo baxeen, muddadii ay socdeen daawanayey beeraha dayacan ee quruxda badnaa, guryo guban oo tuulooyinka qaar ku yaal, iyo deegaanta hawdka ah ee jiqda ah ee baabuurku dhexmarayo.

Sidoo kale, wuxuu maqlayaa hadalka dadka baabuurka saaran, oo wax argagax leh ka sheekeynaya. Shalay halkan baa waxaa lagu diley iyo halkan ayaa wax lagu dhacay, dhawaqaas oo cabsi gelinayey, isagoo xasuusta in mararka qaarkood, maleeshiyaadka hubaysani boobi jireen raashinka iyo cuntada kaamka dadkuna ka kala carari jiray.

Hanad ugu dambayn wuxuu soo galay magaalada Doonyaaley. Waa Magaalo weyn oo qurux badan, balse, markan hugunka rasaasta iyo uuraa meelaha qaar ka baxaysa, dusha sare waxaa wareegaya, diyaarado nooca loo yaqaan diyaaradaha qumaatiga u kaca, waxaa dhex mushaaxaya oo waddooyinka lugeynayaa dad aad u badan, weligiisna ma arag meel la mid ah meeshan oo kale, waxaana xeryo ku leh, ciidamo ajaanib ah. Hanad wuxuu weydiiyey Nageeye “Kuwan cadcadi ma Soomaalibaa?” Wuxuu Nageeye ugu jawaabay “Maya, maya, waa ciidammo nabad ilaalin loo keenay. Waa Soddon dowladood oo adduunka isaga yimid.”

Ka dib Nageeye ayaa dhahay magaaladii waa soo galnay, waxaan ku geeynayaa suuqa, meeshaas noloshaada ka debaro, haddey kaa wareertona meesha baabuurtu ka baxdo iga soo raadi.

Hanad ayaa ku yidhi waayahay, isaga oo jeclaystay, noloshii yarayd ee uu la soo qaatay Nageeye intii uu baabuurka saarnaa iyo taageeridii wanaagsanayd ee uu u fideyey. Hanad magaaladan guryaha badan cid uma dhexjoogto, waase nin firfircoon, ee isla maalintiiba wuxuu helay, Dooli iyo Dalmar, oo iyagu uga soo horreeyey Suuqa Bardaale, balse, Doonyaalay ku dhashay.

La soco Qaybaha kale.

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Galayr1977@hotmail.com

SHEEKO CAJIIB AH: Sooyaalka Noloshii Silloooneyd Q:-4AAD

$
0
0

SamatarMarkii Hanad ka soo degay baabuurkii, oo Nageeye ay is maca salaameeyeen, ma jirin, Hanad meel u asteysan inuu aado iyo meel u qorsheysnaydba. Xaalku waa meeshii Soomaalidu ka odhan jirtay, marka Awrka rareyda ah Jilaalkii oo dhan, lagu dhaansado, lagu guuro, ayaa marka gu’gu da’o dabarka laga furaa, seetada lugtana oogu duubaa, waxaana jira halkudheg caanbaxay oo la yidhaahdo: “Madooboow miro!” Hanad xaalkiisu waa sidii oo kale,. Nageeye kuma qaldana inuu waddada ku sii daayo, waayo, xaalkisu waa tiisaba daryeelaa tu kale ku dara. Hubaal inuu caawiyey, welibana uu ka ballanqaaday inuu xidhiidhiyo, intaas ka badana uma qabankaro.

Hanad iyo magaaladii ayaa isku soo baxsaday. Waxay isku barteen meel bakhaar hortiisa Dooli iyo Dalmar. Hanad oo muddo wareegaaleysanayey ayaa la kulmay Dooli oo mahlako ku qaba Tuugannimada xatooyana ku gudajira, ka dib ayuu Dooli arkay in Hanad indhihiisu ku maqan yihiin, wuxuuna ku yidhi:

“Waryaa, hay sheegin!” Hanadoo u musuusuqayey inuu la hadlo ayaa yidhi:

“Ku sheegi maayee, adna, wax mayga siinaysaa?” Dooli ayaa aad ugu farxay hadalkiisa, wuxuuna weydiiyey:

“Ma cusubtahay?” markaasuu Hanadna ugu jawaabay:

“Haa, waan cusubahay” wareysi dheer iyo isbarasho ka dib, waxay Doolli iyo Dalmar oggaadeen inuusan cid ku lahayn magaalada, oo iyagoo kale yahay, waana soo dhaweeyeen, sidaasayna ku noqdeen nolol wadaag.

Dooli iyo Dalmar midba walba waxaa keentay duruuf la mida tan keentay Samatar iyo Hanad, mana jirto, cid gacan u fidisa ama ay gargaar ka helaan. Waa dhallaan waqtigu ka hiilliyey, dhibaatada dalka ka dhacdey iyo dharaaro adagna saamayn ku yeesheen.

Samatar sidii maalintii loogu bixiyey Yariisoow, waxaa naanays u noqotay, Samatar Yariisoow. Samatar muddo dheer ayuu keligii ahaa, haddase, wuxuu dheef iyo dheriwadaag la yahay kooxdan ay isku nolosha yihiin, ee darbijiifka ah, waana koox ay danwadaag yihiin, lagama maarmaana ay tahay inuu la jaanqaado.

Samatar ayaa lacagtii ay soo siisay hooyo Dheeg ula yimid Hanad, oo u sheegay qaabkuu ku soo helay iyo qofkuu la kulmay. Hanad ayaa ku yidhi:

“Noo haay” oo intuu labadii kalena u yeedhay ayey go’aansadeen inay dhar wanaagsan ku gataan, cunto wanaagsanna ku cunaan. Sidoo kale, waxay isku dhaarsadeen afartooduba; Samatar, Hanad, Cumar oo loo yaqaan Doolli iyo Dalmarba inay walaaloobaan, dhib iyo dheefna qaybsadaan, weliba Hanad ayaa soo jeediyey in Samatar ka yar yahay, oo ay dhaqaaleeyaan.

Hanad ayaa yidhi:

“Sidaa maanta Samatar sameeyey nin weliba wuxuu soo helo, waa wada leennahay” arrintani qof walba gaarkiisa ayay u faraxgelisay, ma jiro, dunida qof keligii isku filan oo wehel la’aan noolaanaya, heshiiskaas ka dibna waxaa noloshoodu ahayd mid isku tolan.

Inkastoo ay kala xirfado duwanaayeen, haddana, marar badan ayey isku wax qaban jireen. Hanad mar uu shaqeeyo, mar uu shaxaadtamo ayay ahayd. Samatar Yariisoow inta badan wuxuu ku lug xirnaa Hanad, oo markuu baabuurta dhaqayo, ama alaabooyinka dadka u xamaalayo, ayuu isaguna caawin jiray. Samatar waa nin shaqo jecel, oo hawlkara, awoodyari baase haysa.

Dalmar iyo Doolli waa niman huut iyo haangaale ku qaba tuugada, jeeb siibka, iyo taabashada fududna ku dheereeya, weliba Doolli ayaa xirfaddaas aad u yaqaan, halka Dalmarna yahay, korjoogto ama ilaalo la shaqeeya inta hawsha lagu guda jiro.

Habeenkii ayaa qolo weliba waxay soo hesho la gole timaaddaa, halkaasna lagu wadaagaa, marka habeenkii laysla cashaynayo, ama qof weliba wuxuu soo helay saaxiibaddii la wadaagayo, waxaa laga sheekeeyaa hawl maalmeedkii iyo qorsheyaashii ay fuliyeen, kii ku hungoobay, kii dhibaato ka soo gaadhay iyo kii ku soo guulaystayba.

Sheekadii ugu naxdinta badnayd waxay ahayd, in habeen Doolli uu galay Mawlac ay ku digriyeyso wadaaddo Xer ah, Mawlacaas waxaa ka jiray kulan ama Alla Bari. Doolli gaajo ba’an ayaa haysay. Wuxuu rabay inuu wax ka cuno, oo dadka martida ah ka qaybgalo, waxaase laga celiyey albaabka, ka dib ayuu meel intuu ka soo dhacay wuxuu bac ku gurtay hilib iyo bariis meel xarfanaya, oo dheryo waaweyn ku jira. Doolli wuu awooday inuu ka dhergo, oo iska tago, balse, waxaa halista geliyey inuu saaxiibaddiis wax uga qaado, oo aanu ku noqon isagoo faramadhan.

Nasiib xumo ma dhicin taasi, oo waxaa qabtay laba dhallinyaro Xeroow ah, waxayna u garaaceen si xun ilaa uu ka miyir beelay. Waxaaba ka sii darnayd, markii wadaadkii meesha dhan Sheekha ka ahaa, (Mawlaanaa) uu amray in geed lagu xidho!

Ma jirin cunuggaas yar rag iyo dumar wixii Mawlacaas iyo xertaas guryaheeda ku noolaa, qof keliya oo ka garaabay, ama is waydiiyey, maxaa ilmaha yar ku kelifay tuugada?.

Sidoo kale, ma jirin qof il naxariiseed ku eegay, kaba darane markii waagu beryey, kawl iyo kabis midna lama siine, carruurtoodii ayaa ku ciyaareysay, oo marba dheg ka jiid iyo dhirbaax iyo dhangalaasyo u gashay.

Isagoo geedkii ku xidhan, ayaa waxaa yimid wiil uu dhalay Sheekhu, oo ah qolyaha Malleeshiyaadka ah oo wata baabuur gaashaaman, ahna dadka magaalada aadka looga baqo. Wiilkii markuu soo galay isaga iyo ciidankiisii gudaha Mawlaca, ayuu arkay geedkii weynaa ee Mawlaca ilmo yar oo ku xidhan. Markuu wareystey, ee loo sheegay sababta inay tahay inuu xalay isagoo hilib xadaya in la qabtay, ayuu intuu aad uga cadhoodey, oo weliba si xun u qayliyey yidhi:

“Ma sidan ayaad diin iyo bani Aadminnimo ku sheeganaysaan?” wuxuu ka furfuray xadhigii, wuxuuna siiyey biyo iyo cunto, ka dib ayuu wareystay, markuu xaaladdiisa ogaadayna, wuxuu siiyey hilibkii laga reebay iyo ka badan.

Sheekha wiilka dhalay kama hadlin, waayo, wuxuu u arkaa wiilkiisa iyo kan uu badbaadinayoba inay yihiin laba daalin! Habeenkaas saaxiibaddiis waa ka werwereen, waxayna dareemeen inuu halis ku jiro.

La Soco Qaybta 5aad.

Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Galayr1977@hotmail.com

QORMO XIISO BADAN: Sooyaalka Noloshii Sillooneyd Q:-5-AAD

$
0
0

SamatarKa dib markii Doolli uu ka soo badbaaday xadhigii iyo dilkii loo geeystay, ayaa waxaa baabuur nooca loo yaqaan Tiknikada ku soo qaaday, weliba Shidhka hore fariisyey Ibir, oo ahaa hoggaamiye maleeshiyaadkii soo badbaadiyey. Wuxuu aad ula sheekaystay Doolli, oo weydiiyey, wuxuu qabto. Doolli waa wiil aad u jabyar, da’diisuna tahay 11-12 oo aan jidhqabsan, korriimaduna ka xumaatey, balse, waa wiil bashaash ah, weliba, waa dadka u samaysan majaajilada iyo canjilidda.

Intii uu saarnaa baabuurka tiknikada ah, ee ay ka buuxaan kooxaha hubeysan iyo qori weyn oo madoobina dusha ka saaranyahay, wax cabsi la’aan kaga qosliyey isagoo weydiiyey kii qoriga hayey:

“Fiiri, mar kasta sidan miyaad u taagan tahay, iyadoo kuwa kale fadhiyaan?” Markaasaa la wada qoslay. Gaandharigii ayaa ugu jawaabay:

“ Haa, habeen iyo maalin sidan ayaan u taaganahay” Doolli ayaa Ilbir ku yidhi:

“ Isma lahayn meeshaas waa ka soo baxaysaa, balse, adigaa i caawiyey” kuna sii daray:

“Duqa weyn, ee Mawlaanaa la leeyahay, naxariis ma lahayn, Nabiga ha agmaree!” markaasaa Ilbir ku yiri:

“Waa aabbahay. Wuxuu aaminsan yahay, qofku inuusan wuxuusan lahayn qaadan!Kuma qaldana, oo waa la baray, haddana, waxaa jirta duruuf qofka ku kellifaysa, sida adiga oo kale, waayo, aabbe iyo hooyo ku shaqeeya, oo ku caawiya ma lihid, maanta wixii ka dambeeyase waxaad leedahay, walaal kaa weyn, oo waa aniga. Sidoo kale, kuwan oo dhamina waa walaalahaa.”

Daaqe, oo dableyda tiknida saaran ka mid ah ayaa Ilbir ku yiri:

“Doolli, waa ku saxan yahay, sida arxandarrada uu uga muujiyey aabbahaa, may, adeerkeen, maxaa yeelay, xer naxariis iyo naruuro ayaan waligeey ku maqlu jiree, inteen ku arkay iyagoo ilmo saqiirro ah ciqaabaya, waliba, u ciqaabaya xatooyo dhawr lafood, oo laga yaabo inay hore u feenteen!”

Doolli dhinacna farxad ayaa ka gashay, dad u heellan ayuu arkay, dhinacna cabsi ayaa ka gashay, waayo, dadka leh waxaan kuu nahay walaalo, dadka jidka maraya, xitaa qof fiirin karaa kuma jiro, jidadka xabbad ayay ku banneysanayaa! Haddii baabuurtu is ciriirido, xoog ayay u wadaan baabuurta. Waa dad guban, oo aan naxariisi ka muuqan, dhammaantoodna aad ka argagaxayso muuqaalkooda, haddana, uga fiicnaaday wadaaddadii diinta, digriga iyo daakiraadda u go’ay! Doolli wuxuu ku yidhi:

“Aniga Suuqa Bardaale i geeya, waxaa halkaas jooga saaxiibbadey, oo aan hilibkan iyo bariiska u geeynayaaye” Ka dib Ilbir ayaa ugu jawaabay:

“Waa ku geeynaynaa, saaxiibbadaana waa soo baraneynaa.”

Hanad, Samatar iyo Dalmar, oo is weydiinaya Doolli ma sidaas ayuu idiinka tegay, mala dilay, oo waa dhintay, mise? ayaa waxay mar qura arkeen 5 Baabuur oo Tikniko ah iyo Doolli oo afka hore ka saaran. Mid weliba meeshii ku beegnayd ayuu orod isku taabtey, iyagoo is leh, waa gacan gasheen, Doollina waa la qabtey, idinkana waa idin soo sheegay, oo waa laydin dilayaa dhammaantiin!

Doolli ayaa ka daba qayliyey, isagoo leh:

“Hanadoow, Samataroow, suga suga, ha cabsannina, kuwan na dili maayaane!” sidoo kale waxaa cabsi xooggani gashay, kooxaha dableey ah, ee suuqa joogay oo iyaguna, difaac iyo inay kabadhada ku kala gabbadaan u kala ordey iyo suuqleydii oo dhammaantood dareen galay.

Saaxiibbadii Dpoolli waa soo noqdeen, ka dib Samatar oo ugu soo horreeyey ayaa waxaa kor u qaaday Ilbir oo yidhi:

“ Waryaa magacaa?” Markaasaa Samataryare oo cabsidii ka degtay ugu jawaabay.

“Samatar ayaa lay yidhaahdaa”

Ilbir oo weli kor u sida ayaa labadii kalena yimaadeen, markaasuu weydiiyey magacyadooda. Hanad wuxuu la yaabban yahay, ninkan hubeysan, ee haddana Samatar yare kor u sita, gacanta kalena uu ka haysto Doolli.

Dooli ayaa cuntadii u soo saaray, waana is maca salaameeyeen ciidankii malleeshiyada ahayd, balse, wuxuu u sheegay iney ugu yimaadaan, haddii cid dhibto, ay jirto. Hanad ayaa isagoo aad ula dhacay warkaas oo xiisaynaya ku yidhi:

“ Xaggeen kaa soo raadinnaa?” Ilbir ayaa ka helay geesinnimadiisa, kuna yidhi:

“ Garaashka Dhuxulleey ma taqaanna?” Hanad ayaa la soo boodey:

“Haa Haa Haa, si fiican” Ilbir ayaa ku yidhi:

“Haddii baahi idin qabato iyo haddii laydin dhiboba ii soo sheega, halkaasna iigu kaalaya.”

Sidii baa lagu kala tegay, waxaana wareysi dheer lala galay Doolli, oo weli korkiisa nabarro ka muuqdaan iyo suntamo, jugtii xalay gaadhay awgeed, waxaase lagu illaaway, hilibka iyo bariiska macaan. Maalintaas waa la dhergay, waxaana aad loo falanqeeyey, saaxiibkooda cusub Ilbir iyo sida uu ula dhaqmay walaalkood Doolli.

Iyagu uma yaqaannaan malleeshiyada dad xun, umana yaqaannaan dad wanaagsan, waxayse og yihiin in laga wada baqo. Sidoo kale, waxay ogyihiin, in dhibaatada gaadhay, ay gaadhsiiyeen, dad hubeysan, dadka caadiga ah iyo kuwa hubeysani, uma kala soocna, mana jiro, waxay ku kala doortaan ama ku kala jeclaadaan.

Iyagoo dhergay oo meeshii fadhiya, ayaa waxay maqleen hees. Hanad ayaa heesaha aad u jecel, oo Soomaaliga iyo Hindigaba markiiba waa qabta. Ka dib ayuu la qaaday hees ka baxaysa maqaayad ka soo horjeedda oo codbaahiye ku xidhan yahay:

“Eeddaan la yaabee

Arxankeedu darana

Islaannimada guudnimo

Ma ilaalineysee.

Ishaay kugu gubtaayoo

Afkaay kaala dirirtaa.

Kuma saarto araxdoo

Eray waxay tiraahda

Alle qaadkaan

Maxaa dhigay agteyda.

Wiil hadduu Afar jiroo

Hooyadiina ax waayaa

Aabbe kuma ogaadoo

Eedda kuuma daryeeshe

Ulbaay kula dhacdaa!”

Samatar ayaa weydiiyey Hanadoo heestii la jiibinaya:

“Muxuu ka wadaa wiil hadduu Afar jiro Hooyadiina waayaa?!”

Hanad ayaa u qeexay oo dhahay: waa wiil, hooyadii ka tagtay ama dhimatey sideenna oo kale, balse, Eeddadiis, “Naag kale Aabbihiis guursaday”. Samatar oo aan ku qancin ayaa yidhi:

“Afar jir waa weyn yahay, haddiise aabbihiisba joogo, oo Eeddiisna joogto, haddey rabto, ha dishee, saw heli maayo, wuxuu cuno iyo wuxuu cabo iyo meel uu seexdo?”.

Doolli ayaa yidhi:

“Hadduu sideena nolosha aabbe la’aan iyo hooyo la’aan yahay, Eeddadiis ma caayeen?”

Waa la wada qosqoslay, waxaana lala yaabay nin dad haysta, oo haddana, dacwo qaba. Iyaga dareenkaas oo dhami kuma jiro, waayo, waxayba u arkaan, qofkuu doonaba ha ahaadee, cidii wax ku tartaa inay tahay, cid aan la illaawi karin abaalkeeda.

Sanadku waa 1996 waxaa magaalada ka socda, dagaallo goos goos ah, dhinaca kalena waxaa ka jira wadaaddo isbahaysiya oo wata ciidamo. Samatar wuxuu galay gu’gii 9aad, noloshana isbedello badan ayay yeelatey. Hadda ma deggana isaga iyo asxaabtiisii suuqa dhexdiisa, waayo, Ilbir ayaa dejiyey guryo qabyo ah, nin iyo joodarina u gaday. Waxay heleen gabbaad ka duwan kii hore. Suuqa waa u soo foof tagaan kaliya, hase yeeshee, weli noloshoodu isma kaafiyin.

Hanad waa nin weyn oo hadda 14 Jir ku dhaw, wuxuuna aad ula shaqeeya qolyaha malleeshiyaadka Ilbir, oo goobaha dagaalka, sahanka iyo sirdoon ayuu u qaabilsan yahay, qaadkiisa, sigaarkiisa iyo noloshiisa ayuu ka dhacsadaa. Dalmar iyo Doolli waxay kireeyaan basaska ka baxaya suuqa dhexdiisa. Iyagu maaha kireeyaha koobaad, ee waa kuwa qayliya ama naadiya basku meesha uu u socdo, markuu basku dhaqaaqaya ayaa waxoogaa loo laabaa.

Samatar isagu wuxuu noqday nin shaqo. Suuqleeyda oo dhamina waa jeclaadeen. Wuxuu hayaa, shaqadii Hanad ee ahayd baabuur dhiqidda iyo caseeyaha, ciddii kale ee adeegsatana waa u adeegaa.

Xaalka magaaladu waa mid maalin walba leh jawi colaadeed iyo dagaal aan dhammaad lahayn. Magaaladu waxay la ciirciiraysaa hub iyo hawlo siyaasadeed, dadweynaha badankoodu xaalkoodu waa quus.

Dhallinyaradani iyagu xog ogaal kama aha magaalada waxaa ka socda, balse, waxaa hadba u soo tebiya Hanad oo kala bartay siyaabaha laysu dilayo iyo cidda dagaallamaysa. Hanad wuxuu is weydiiyaa; dadkan oo dhami qabiillo ayay leeyihiin, idinku aaway qabiilkeennii? Haddana, wuxuu isku qanciyaa, maxaad qabiil yeelataa, aabbe iyo hooyadii ku bari lahaaba ma lehide!

Waxay markaan ku qabiil yihiin Ilbir, oo ah ninka awoodda ku leh aagga ay joogaan. Sidoo kale, waxay caan ka yihiin meel kasta oo malleeshiyaadka Ilbir joogaan.

Subixii dambe ayaa wadaaddo qaybinaya Timir ay ka keeneen Sucuudiga, oo masaakiinta loogu talogalay, ayaa muddo markii la sugayey wadaadadii laba jid fureen, midna wixii xisbigooda ah ayaa saf ka geliyey, midna dadkii kale, oo ay ku jiraan Doolli iyo asxaabtiisa.

Markii dadkii kale albaabka laga rogi waayey ayay billaabeen buuq iyo is dardar safkii lagu jiray, ka dib ayey dadkii gudaha u galeen meeshii Timirtu taallay waxaana la boobay Kartoomadii oo dhan.

Dooli iyo Dalmar oo buuqa arkay ayaa dhex orday, ka dibna waxay soo heleen, laba Kartoon, waxaana meeshii yimid ciidamado wadaaddu lahaayeen, oo ka socda Maxkamadda Dheryaalley, waxayna baacsadeen dadkii iyagoo xabbad la dhacaya, ugu dambaynna gacanta ku soo dhigeen Dalmar iyo Doolli oo lagu eedeeey inay wax xadeen! Ciidankii Maxkamadda ayaa iyaga iyo labadii Kartoon isku soo qaaday, waxaana loo taxaabay xabsiga, iyagoo subaxnimadii dambena lagu xukumay, in gacan laga gooyo, maadaama Tuugganimo lagu soo eedeeyey!

La soco qaybaha kale

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

galayr1977@hotmail.com

DARBO INTA UUSAN DARKA KAA BUUXSAMIN: – Qormo waano kuugu filan!

$
0
0

Abu
QALINKA: Abuukar Albadri, Hallstavik, Sweden (23/05/2015)- Marka hore Assalaamu Caleykum wa Raxmatullaahi wa Barakaatuhu? Salaan kaddib! Qofka aan la hadlayaa waa adiga qudhaada. Adigan hadda qoraalkan aqrinaya qudhaada ayay kugu socotaa qormadeydan,waana kuu muhiim in aad si taxadar leh oo degganaani ku jirto u aqrisid.

Ogow tani ma ahan maaweelo. Balse waa xaqiiqo ha hadlaysa safar lama huraan u ah noloshaada. Sida uu lama huraanka adiga kuugu yahay ayuu aniga qudheyda iigu yahay ma huraan, balse iima cadda in aan noqon doonno isku duullimaad.

In kastoo safarka aad ku qasban tahay haddana waxaad ku baxeysaa casuumaad laguu soo diray oo muddeysan. Casuumaaddu waxay leedahay waqti go’aan oo aadan wax ka bedeli karin kana cudur daaran karin. Waa qasab in aad dhoofto marka la gaaro balanta ku qoran warqadda casuumaadda. In aad diyaar garowday iyo in aadan diyaar aheyn macne ma sameyneyso, diyaaraddu way ku qaadeysaa xaalad kasta adiga oo ku sugan.

Daqiiqad walba saacaddu waxay ku sii siqeysaa waqtigii aad safri laheyd, haddana adigu marnaba ma ogid goorta aad bixi doontid. Dhowaa iyo dheeraana kuuma kala cadda goorta aad dhaqaaqeyso, hase yeeshee mar walba safarku waa kedis, wuuna murugo iyo xanuun badan yahay, dhabtiina waa lagugu dul ooyi doonaa haddii aad nasiibkaas yeelato.

Inta badan adiga oo aan macsalaameyn dadka kuwii aad ugu jecleyd, adiga oo aan isku duwan hawlihii kaa dayacnaa, adiga oo aan ebya tirin qorshayaashii aad bilowday, adiga oo aan la ballamin asxaabtaada iyo inta ay hawli kaala dhexeysay, adiga oo aad u kala daadsan oo aan safar diyaar u aheyd ayaad arkeysaa adiga oo taagan irridka diyaaraddii aad raaci laheyd. Irridkaasi gelid mooyee ka noqod ma leh, albaab dhinaca dambe ku yaalla oo laga sii baxo ma leh, cid diyaaradda ka soo degeyso oo aad farriin u sii dhiibtidna ma leh. Waxaa muhiim ah in aad ogaato arrimahan.

1. Casuumaadda aad ku safari doontid waxaa kuu soo diray ALLAAH.

2. Cinwaanka AJAL, ku bixid mooyee ka baaqasho ma leh.

3. Galka ay casuumaddaasi ku jirto waa SAKARAAD.

4. Farriin sidaha casuumaaddaasi ku soo gaarsiin doon waa MALAKUL MAWD.

5. Tikidka aad ku safari doontid waa GEERI.

6. Diyaaradda aad raaci doontid waa HANDOOL.

7. Dalka aad ka dhoofeyso waxaa la yiraahdaa ADDUUN.

8. Dal weynaha aad u kicitameyso waa AAKHIRO.

9. Halka aad gashiinka (Transit) ku noqon doontidna waa BARSAQ.

10. Garoonka ay diyaaraddaada caga dhigan doonto waa QABRI.

Garroonka ay caga dhiganeyso diyaaradda ku sidday waxaa jooga saraakiil Laanta Socdaalka (Immigration officers) ee qabriga qaabilsan, kuwaas oo hubinaya in Baasaboorka iyo Dal-ku-galka (Visaha) aad ku safreyso in ay saxan yihiin iyo in kale.

Garoonka ay diyaaraddaadu ku degeyso waa mid adiga kuu gaar ah, balse saraakiisha joogta ee labada ah ayaa qaabilaaya qof walba ee soo saaca duullimaad isaga gooshaya Dalalka Adduun iyo Aakhiro. Waa in aad maanka ku heysaa qodobadan.

1. Saraakiisha Laanta Socdaalka joogta waa MALAA’IIG.

2. Tiradoodu waa labo kaliya.

3. Magacyadooda waxaa la kala yiraahdaa MUNKAR iyo NAKIIR.

4. Waxay ku waydiin doonaa seddax su’aal oo muhiim ah.

Saraakiishan waxay ku weydiin doonaan seddax su’aal oo haddii aad ka jawaabto aad garoonka uga gudbeyso si sahlan, haddii aad jawaabaha ku dhacdana waxaa lagugu xiri doonaa qeybta lagu xiro soo galootiga sharci darrada ah iyo dembiilayaasha.

Su’aalaha aad wajihi doonto waxay kala yihiin:

1. Dalka aad ka timid yaad boqor ka ahaa?

2. Imaamkaaga kumuu ahaa?

3. Baasaboor noocee ah ayaad heysataa?

Illaa aad su’aalahaas ka jawaabto lama eegi doono baasaboorkaaga iyo dal-ku-galkaagu in ay yihiin kuwo saxan iyo in kale. Jawaabaha saxda ah ee aad ku gudbi karto ayaa ah sidan:

1. Boqorkeygu waa ALLAAH.

2. Imaamkaygu waa Nabi Muxamad.

3. Baasaboorkeygu waa DIINTA ISLAAMKA.

Marka aad jawaabahan ku guuleysato ayay MUNKAR iyo NAKIIR eegayaan in BAASABOOR, DAL-KU-GAL (Visa) iyo BOOS-CESHI (reservation) Qolka aad ka degi doontid Hoteelka kaliya ee ku yaalla halka aad u safartay (JANNAH).

Haddaba, iska jir oo ha isku qaldoomin. Saraakiishan MUNKAR iyo NAKIIR waxay aqbalaan hal baasaboor kaliya, dal-ku-gal hal nooc ah, balse boos-ceshigu (reservation-ka) waa lagu kala duwanaan karaa, dhaqaalahana sidoo kale.

Marka aad hor timaaddo Saraakiisha Laanta Socdaalka ee Qabriga, waxaa lagaa doonayaa in aad heysato socdaal-kaabeyaashan.

1. Baasaboorka kaliya ee ay aqbalaan waa DIINTA ISLAAMKA.

2. DAL-KU-GALKA (Visa) kaliya ee ay aqbalaan waa IIMAAN (Rumeynta ALLAAH iyo RASUULKIISA).

3. BOOS-CESHIGA kaliya ee ay kaa aqbali doonaan waa CIBAADO.

Haddii aad ku guuldareysato in aad soo bandhigto warqadahaas socdaalka kuu fududeynaya ee Baasaboorka (ISLAAM), Dal-ku-galka (IIMAAN), BOOS-CESHI (CIBAADO) ee ay ku weydiiyaan MUNKAR iyo NAKIIR waxaa hubanti ah in ay weji furan kugu soo dhoweeyaan.

Dhammaan dadka ka gudbaya Xadduudda Adduunyo ee u gudbaya tan Aakhiro waxaa ay u qeybsamaan sed kooxood oo kaliya, adigana seddaxdaas uun baad mid ka tahay, waxayna kala yihiin.

1. AHLUL JANNAH: Muslim, Mu’min ah, cibaado la yimid, camal suubban hor marsaday.

2. SOO GALOOTI SHARCI DARRO AH: Muslim, Saaqiday, cibaadada dayacay, camalkiisa aan suubbaneyn.

3. AHLU NAAR: Qof aan markiisa horeba Muslim aheyn ama caabuday wax aan ALLAAH aheyn.

Muddada gashiinka (Transit-ka) aad ku tahay (XAYAATUL-BARZAQ) wehelka kaliya ee aad heysato waa camalkaaga. Haddii uu suubanaa camalkaaga wuxuu kuu noqon doonaa mid ku wehliya, haddiise uu yahay mid aan suubaneyn waxaa laga yaabaa inuu ku dhibo.

Inta ay goori goor tahay waxaad heysataa fursad aad ku xaqiijin karto himilo dhab ah oo aad ku badbaado marka uu safarkaas deg deg kuu soo galo.

In kastoo haddii Culimada Diinta aad waydiiso safarka noocaan ah ay in ay kuu suureeyaan ay durba kuugu jawaabi lahaayeen waa safar dheer oo sulmiga iyo harraadka badan, isla markaasna ku sifeyn lahaayeen in suudiga cadceedda aakhiro ay mar walba ka sulmi iyo harraad badan silic kasta oo adduunkan yaallo, haddana haddii aad dadaasho Ilaah wuu kugu garabsiinayaa in aad sahal ku dhaafto adiga oo aan marnaba raran gubyoon.

In kastoo safarkani aad deg deg u yahay, haddana dheer yahay, mar walba wuu ka dhaw yahay safarka uu qof tahriibay ku maro saxaraha cadaabta ah ee u dhexeeya Liibiya iyo Suudaan. Marka uu qofka ku safrayo saxarahan wuxuu halis u galaa in ay dilaan masas micidu u wada soofeysan tahay, abrisyo ciida hoosteeda ka sunsuma oo aysan ishu qaban iyo caarooyinka waxweerara. Taas waxaa dheer qowleysatada jidka dadka ku afduubta ee ay Soomaalidu u bixisay Ma-Gafayaasha, kuwaas oo dadka dila, gabdhaha kufsada, kaddibna madaxfurasho waydiista.

Haddii ay (Dukumiintiyadaada) oo dhami ay kuu saxan yihiin diyaaradda uu Malakul Mowku ka yahay duuliyaha waxaad ka raaci doontaa kuraasta Maal-Qabeenka (Business Class), haddiise diyaar garowgaagu qaldoomo in aad boos ka hesho kuraasta Danyarta (Economic Class) ayaa adkaaneysa.

Aniga ma ogi da’da aad jirto, balse waxaa laga yaabaa inuu sheydaanku kugu yiraahdo mar walba wali waad yar tahaye dib u dhigo is diyaarinta, marka aad weynaato ayaad diyaar garoobi (Cibaadeysan) doontaaye. Waa hubaal sidaasi sheydaanku wuu kugu yiraahdaa naftuna way u riyaaqdaa, qof walba ayuu ku yiraahdaa, aniga ayuu igu yiraahdaa maalin walba. Ha is qaldin, da’daada iyo qorshayaashaaduba saameyn kuma lahan safarkaas goorta uu noqonayo, da’ kastaba jire wuxuu kugu noqon doonaa mid deg deg.

Aan kaa qanciyo dooddan. Bal ila eeg tuducdan ka mid ah xigmado uu dunidan kaga tagay gabyaagii caanka ahaa ee Qamaan Bulxan ALLAAH ha u naxariistee.

Qamaan wuxuu yiri:

Waxaad aadamoow maagan tahay, adiyo maankaagu

Iyo meel Ilaahay ku marin, kala mid weeyaane
Waxaad adigu miihaalatiyo, malaba waa beene

Waxaad mooday mowd baa sokada, kaaga soo mariye

Qamaan wuxuu cabbiray sida ay dadku wax u qorsheystaan, qorshayaashoo dhamina aysan marna mowdka ugu soo darsan iyo sida markii ay tii Rabbi SW u timaaddo uu qofku isaga dhinto isaga/iyada oo ay qorshayaashii ka kala daadsan yihiin. Tix kale ayuu Qammaan ku yiri.

Hadii aad inaad taajir tahay, tuhunto uurkaaga

Toodowga xoolaha ninbaa, tulud ku sii dheere
Walee inna raggow talo adduun, taada uun ma aha

Abwaan Sallaan Carrabey oo isagana ka mid ahaa abwaanada suugaanta raadadka muhiimka ah leh ku reebay taariikhda Soomaaliya ayaa wuxuu yiri:

Caddad maleh rijaal ladan intay, calal ku duubeene

Oo ay meel cabbaar loo qodqoday, kaga carraabeene

Oon camalka mooyee qabriga, cid uga yeedhayne

Mar haddii ay xaaladdu sidaas tahay maxaa kula gudboon in aad sameyso inta aad fursadda heysato si aad ugu diyaar garowdo safarkaas lama huraanka ah?

Waxaa kula gudboon in aad diyaarsato dhawrkan shey sahay ahaan:

1. Sahaydii aad waddada ku mari laheyd.

2. Dhaqaalihii aad meel ku degi laheyd.

3. Wixii aad ku noolaan laheyd marka aad degto janadda.

Si aad wax meel u dhigato waa in aad BAKAAR (Account) ka furato BANGIGA ILAAHEY ee ku yaalla halka aad u sii socoto. Ha keydka lacag aan aakhiro ka socon doonin. Lacagta kaliya ee aakhiro laga isticmaalayo ama kaaga soconeysa waa TAQWA.

Haddii aad og tahay in durba xisaabta lagugu leeyahay ay ka badan tahay midda aad baraaktaada ku keydsatay, wali fursad ayaad u heysataa aad ku bixiso xisaabaadka ku qoran Qaansheegatada (Invoice ama Faktur) ee lagaa rabo, waa la ogol yahay in aad iska yar yareyso oo aad maalin walba waajibaadka lagaa rabo sii raaciso SANUUD yar oo dhawr boqol oo ISTAGFAAR iyo TASBIIX isugu jira.

Inta aanan gunaanadin qormadan yar ee aan adiga kuu hibeeyey, waxaan doonayaa in aan kula wadaago xikmad kooban oo ku jirta Suugaan aan ka soo xiganayo Maxamed Cabdi (Aamaguul), taas oo ina tuseysa jidka ay tahay in aan marno haddii aan dooneyno in aanan aakhiro ku noqo soo galooti la geeyo xabsi ama xero qaxooti. Tixdu waxay leedahay sida tan.

Jamacuu qur’aan iyo, markaan jacala soo eegay

saddex buu ku soo jaray jaliil, jiinka hadalkiisa

jidka hore islaamka un ku jog, hana ka jeesjeesan

jareedadii adduun, aakhirana reer jannaad noqone

jid labaadku waa jiimka diid, gaalnimana jiido

nolol jaban adduun, aakhirana guri jaxiimaade!

Ugu dambeyntii, haddii aan kaa nixiyey iga raalli noqo, ujeedkeygu wuxuu ahaa baraarujin, haddiise aad qormadan u aragtay in ay muhiim tahay waxaan kaa codsanayaa in aad la wadaagto asxaabtaada ama dadweynaha intii aad ka gaarto.

Wixii talo, tusaale iyo dhaliil ah iigu soo hagaaji Abukar.albadri@gmail.com

SHEEKO CAJIIB AH: Sooyaalka Noloshi Sillooneyd Q:- 6AAD.

$
0
0

SamatarWaxaa arkayey markii la ka xaystay Doolli iyo Dalmar saaxiibkood Samatar, oo wax badan ka daba qayliyey baabuurkii lagu qaadey, hase yeeshee, Samatar ma gaadhin mana awoodin wax intaa ka badan, oo ciil iyo cadhadii ayuu meel darbi ah oohin la fadhiistay.

Samatar, oo ciil iyo cadho ku gadhoodhay, ilmadu daamanka ka qooysey, oo aysan jirin cid uu ku cataabo ama la qaybsata murugta haysa, ayaa waxaa u yimid Hanad. Samatar iyo Hanad ayaa isku ooyey, midba midka kalana isku dayey aamusiiyo, Hanad ayaa weydiiyey?…… Ka dib Samatar ayaa uga warramey sida wax u dhaceen.

Hanad oo markan nin weyna, ayaa aad uga werweray xaaladda cusub, ee soo food saartay isaga iyo saaxiibbadiis, maadaama markuu Samatar u sheegay inay wadaaddo ahaayeen ragga kaxaystay Doolli iyo Dalmar, meeshana boob ka dhacay.

Hanad wuxuu ogyahay in cidda ay Maxkamaduhu qabtaan, ay ku xukumaan hadba falka lagu qabto, ayna ugu culustahay dhaca, tuuggada iyo dilka. Waxaa u sawirmay arrin halisteeda leh, taasoo ah, haddii sida kuwa kale, oo uu yaqaan loo galo, oo ah in gacmaha iyo lugaha laga gooyo, iyagoon markii horeba lahayn waalid iyo walaal ay tahay dhibaato muggeeda leh, oo la soo deristay saaxiibbadiisa, ay is walaashadaan, weliba ku soo dhaweeyey magaalada.

Hanad baa madaxa gacmaha saaray, waxaana u soo baxay, labadiisii walaal, oo gacmaha laga gooynayo, Samatar ayuu gacanta ka qabsaday, waxaana laysku shubay geerashkii iyo xeradii Ilbir.

Ilbir waxaa ka amar qaata ciidamo aad u badan, oo hubeysan, awood laxaad lehna ku leh deegaanka ay ka taliyaan, Ciidankaas oo gaadhaya ugu yaraa hal guuto 1500 Askari iyo 60 Tikniko ah, waxayna xukumaan degaan ballaadhan. Ilbir waa ninka abaanduulka ciidanka haysta, isagaana amarka dagaalka bixiya, sidoo kale, saadkooda iyo noloshooda qaabilsan.

Waxaa ka sarreeya madax kale, oo isugu jira hoggaamiye kooxeed iyo odayaal beeleed talo weyn ku leh arrimaha ciidanka iyo dhaqaalahaba, balse, Ilbir ayaan qofna is hortaagi karin, gacan iyo xabbad ayuuna ku xaajo gutaa. Markuu arkay ciyaalkiisii, ayuu ka soo dhex kacay meel uu ku qayilayey, wuxuuna wejigooda ka aqristay duruufta iyo diifta ka muuqata.

Waa goor cilcilow ah, waxaa meesha ku yaal maqaayado cunto lagu kariyo, ee loo yaqaanno “Buushashka” wuxuu u soo ka xeeyey meel Buush ah, si uu waxay cunaan uga dalbo, isagoo weliba ku dheggan Samatar yare. Samatar ayaa dhaqaaqi waayey, halkaasoo uu ka dareemay inaysan baahi iyo gaajo hayn, ee wax ka weyni jiraan.

Samatar ilmada labada daan ka gobo’le markuu arkay, ayuu intuu jilbaha dhigtay, oo isla simay ka tirtey. Samatar iyo Hanad waxay u sheegeen sidii wax u dhaceen, Samatar yare jilbaha dhulka u dhigay, ayuu isku duubay, waxaase arrin fajiciso ah noqotay, markay arkeen ciidankii Ilbir, taliyahoodii ma naxaha ahaa, oo ilmeynaya, weliba faruuryo qaniinsan.

Weligood may arag arrintan iyo mid u eg toona, isaga oo xita ragga ugu geesisan ciidankiisa, haddey dhintaan weligiis uma ooyin, lagamana dareemin wax ka badan murugo muujinaysa inay waayeen mid ka mid ah saaxiibbadood.

Caawase waa Ilbir oo ilmo indhihiisa ka socoto, mar qudha ayuu soo jeestay, wuxuuna la hadlay Dirir oo agtaagan, kuna yiri:

“Diyaari ciidanka, kuwa maqanna isu keen, dhammaan horjoogayaashuna haygu yimaadaan qolkayga” ciyaalkiina wuu u xaystay aqalka, isagoo gabadh meesha wax ku karinaysey uga dalbay cuntooyin kala duwan, mid ka mida ciidankiisana amar ku siiyey inay u keeno cuntada isaga iyo labada wiil.

Samatar wuu yaabay, Hanadse wuu dareemay in Ilbir qorshe damacsan yahay, maadaama uu isagu yeedhay horjoogayaashii. Markii ay casheeyeen, ayuu ciyaalkii ku yidhi, iska seexda, anigoo nool, Dalmar iyo Doolli cidina gacan iyo lug ka gooyn mayso, intaan noolaahayna weligiin cidi idinma dhibaateyn doonto.

Waxaa isu yimid dhammaan horjoogayaashii, wuxuuna u sheegay inay berrito, Maxkamadda Dheryaaley weerarayaan, marku waagu beryo, haddana sahan loo diro, meelaha ugu fudud, ee laga geli karo. Sidoo kale, inta baabuur ee u joogta, isla caawana jidadka waaweyn, ee soo gala in ciidan la sii dhigo, si aan gurmad kale ugu iman.

Ilbir waa nin aad ugu xeeldheer habka dagaalka jabhadaha, ee magaala ka dirirka ah. Dhinaca maqaasiinnada, ayaa loo dhaqaaqay, oo lagu raray gaadiidka, rasaastii loo baahnaa, sidoo kale, la buuxiyey shiidaalkii baabuurta. Geerashka habeenkii lagama jiifan, waxaana dadka badankoodu dareemeen, in duullaan weyni jiro, waxaa laysugu yeedhay, ninba ninkuu ka dagaalyahansanaa.

Markii la kaxeeyey Doolli iyo Dalmar, waxaa lagu soo xereeyey, meel xabsi ah, oo ciidan ka buuxo, guryo wareegsan, oo dad ka dhex bullaamayaan. Waxaa la istaajiyey meel qorraxa, shaatiyadana waa laga bixiyey, waxaana karbaash la dhacayey askartii meesha joogtay.

Muddo saacado ah ka dib, ayaa waxaa la soo geliyey qolkii xafiiska diiwaangelinta maxaabiista, waxaana lagu billaabay wareysi. Waxay maqlayaan cabaadka dad gacmaha laga jarayo iyo kuwa la karbaashayo, naxdin iyo argagax ayaa u dhammaaday. Waxaa la weydiiyey magacyadooda. Nasiib xumo, Dalmar ma xasuusto magaca aabbihiis, Doollina ma yaqaan wax dhaafsiisan, Cumar Xasan in la yidhaahdo.

Markay intaas dhaafin waayeen, ayaa la weydiiyey, waalidkood, waxayse sheegeen inaysan waalid lahayn. Wuxuu ugu yeedhay, ciyaala suuq, saaqidiin ah, kuwii idin dhalay haddey idin soo fardeen, annagaa idin marineynaa waajibkiina!

Hanjabaadda ka imaneysa ninka gadhka weyn, qamiiska cad iyo cimaamadda guduudan xiran, ee tafaha gaaban, indhahana guduudan, qalbigooda waxay ka shidday dab holcaya, waxaanay arkeen inay ku jiraan gacan cadow, oo Ilaah maahine cid ka badbaadisa aysan garanayn.

Waxaa loogu hanjabay, haddaan maya tidhaahdaan, carrabkaa laydinka jarayaa, wax walba waa inaad, haa tidhaahdaan. Kadib waxaa loo soo gudbiyey qol kale, oo ay fadhiyaan dad badan, oo rag iyo dumar leh, iyagoo feedha qaawan, ayaa la soo geliyey. Waxaa la sheegay magacyadooda, ka dibna waxaa la sheegay fal dambiyoodkooda, laakiin, lama sheegin da’dooda, markii la qeexay, ayaa nin oday ah, oo Qaaddiga ahaa yidhi:

“Mar haddii ay yihiin dad qaangaadh ah, una badheedhay, boob iyo dhac, xukunkoodu waa sida ay qabto diintu, waana in lagu qaado, Xadka tuuggada oo ah, GACMA GOYN!”.

Hadalkaas markuu dhegahooda ku soo dhacay, ayaa waxaa naxdin la gariirey Dalmar, oo ku calaalay:

“Alla adeer maya Alla Adeer maya, Alla Adeer Ilaahay ka cabso!” Cabaad iyo oohin, Wallaahay manaan xadin, isla markiiba waxaa shaabuug kala daalay, mid arxan laawe ah oo meesha taagnaa.

Waxaa dadkii ka dhex kacay, nin dhallinyaro ah, oo markaas ka socday dhinaca saxaafadda, balse, is hayn waayey, oo yidhi:

“Sheekh maad weydiisid, carruurta da’dooda?” intaan arrintii laga hadlin, ayaa dad la dhacsan xukunkaa dulmiga ah, la soo boodeen:

“Waa Baaluq nimankani!”

Doolli ayaa qayliyey, walaahay 11 sanno ayaan jiraa, kanina waa iga yar yahay, walaahay waxba maanan xadin, waxoogaa guux ayaa dadkii galay, annaga darbi jiif ayaan nahay, Gaajaa noo geeysay, dadka wax boobaya ayaan aragnay, meeshana sidaasaan ku galnay.

Nin Odaya ayaa istaagay oo yidhi:

“Maw hadli karaa, maadaama aysan ahayn qaangaadh, diinteenuna aysan qabin in xukun lagu rido qof aan qaangaadh ahayn, sidoo kalena aysan jirin cid dammaanad qaaddanaysa dhibaatada ay geeysteen oo gudaysa?”.

Qaaddiga oo wejigiisa cadho badani ka muuqato ayaa yidhi:

“Maaha meeshani Maxkamadihii Cilmaaniga, ee waa Maxkamad Islaamiya, xukunkuna waa kan Kitaabka Alle!” Ugu dambayn, meeshii ayaa bullaan iyo buuq ka kacay, dadkiina laba ayay u safteen, qolo leh, carruurtan baahi baa u geeysay, dambiga lagu eedaynayo, iyo kuwa leh, daalin iyo tuug ayaad garab siineysaan, ka dib waxaa dib loo dhigay dacwadoodii, maadaama la gaadhay, waqtigii Salaadda Duhur oo ah waqtiga ugu dambeeya Xukunka.

Waxaa lagu soo xidhay qol weyn, oo ay ku jiraan maxaabiis badan, oo aan wax gogol ah dhexdiisa oollin, ka dib, Salaaddii Casar ayaa la soo saaray, waxaana lagu amrey inay tukadaan, balse, waxay sheegeen ineysan aqoon sida loo tukado, taasoo keentay inay ku muteystaan ciqaab culus ilaa lagu xidhay qolka ciqaabta gaarka ah, qol yar oo mugdi ah cidhiidhi ah oo aanu qofku fadhiisan karin, jiifsan karin, joogsan karin, waxaana looga buuxiyey biyo, sababta ciqaabtan loo mariyey ayaa ahayd, inaysan u hoggaansaneyn Allahooda, oo aysan Quraan iyo Salaad midna diyaar u ahayn, balse, laguma darin xisaabta inaysan aqoon ama helin cid barta.

Habeenkaas oo dhan waxaa ku socdey Dalmar iyo Doolli garaac iyo jidhdil, oo dhinacoodu dhulka diiday, markii dambena istaaggii xamili waayeen. Habeenkani wuxuu ahaa habeen ka dhib badan habeenno badan, oo bannaanka roob ku helay, balse, gabbaad iyo darbi qallalan ma aysan waayi jirin, iyo jawaan ay ka huwadaan dhaxanta iyo juubaha.

Waa dareen ku joog, maanta waxay dhegahoodu maqlayeen cabaadka, dadka gacmaha laga gooynayo, sidoo kale, waxay ogyihiin in kiiskooda lagu sheegay gacmo gooyn. Doolli ayaa qalbi adeygey, wuxuuna ku yidhi:

“Haddii gacmaha laynaga gooyo, waxaa ina caawin doona walaalaheen Hanad iyo Samataryare” Dalmarna oohin ayuu la dhacay, isagoo ka werweraya xanuunka iyo iyadoo ay noqon doonto, astaan ay ku digtaan dadka oo dhami, oo muujinaysa in tuugnimo looga jarey.

La Soco qaybaha kale.

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Galayr1977@hotmail.com

Viewing all 70 articles
Browse latest View live